Guddidii abaaraha ee heer qaran ma Audit ayay sugayaan mise way soo sarayaan dhaqalihii loo dhiibay

Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland axmed maxamed maxamuud sianyo waxuu magacabay guddi lagu magac daray guddida abaaraha ee heer qaran waxaana u gudoomiye ah madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland mudan cabdiraxman saylici waxaana guddidaa ku jira qaar kamid ah culumada dalka ugu caansan, intii loo magacaabay guddida abaaraha waxay ka hawl galeen gobolada dalka qaar kamid ah hase ahatee shaqadoodii ugu horaysay waxay ka shaqeyeen gobolada galbeedka jamhuuriyada somaliland, balse waqtigaa waxay gacanta ku dhigeen maraakib cunno ah iyo lacag xagideedu badanyahay, hase ahatee dadki ku dhaqnaa gobolada galbeedka markay arkeen inaysan guddidaa loo magacaabay abaaraha aysan kasoo bixi karin shaqadaa loo igmaday ayay bilabeen inay hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl gala dalka u gudbiyaan baahiyaha ka jira degaankaa waxayna ku gulaysteen inay helaan gurmad balaaran oo noqday mid si wacan loogu samata saaray dadkii abaartii xun haysay, balse markay arkeen guddidii abaaraha in laga dul quuray shaqadii loo igmadayna ay ka hawl galeen hay’addo maxali ah ayay ka fadhiisteen, mana aysan samayn wax xisaab celin ah oo ku saabsan aduunkii soo galay iyo waxii ay bixiyeen.

Intaa kadib waxaa soo noqotay abaartii waxayna ku dhufutay gobolada bariga jamhuuriyada somaliland oo ah dhul ka balaaran dhulkaa hore ee abaarta ku dhacday, waxaana mar labaad la hawl galiyay guddidii abaaraha ee heer qaran,  waxayna madaxwaynaha ka codsadeen in shaqadaa gurmadka ah looga danbeeyo gacmaha doonaya inay ka qayb qataan gurmadka abaaraha waxii ay bixinayaan ay usoo mariyaan guddida abaaraha ee heer qaran. Waxaynu ogsoonahay in dhaqaale culus la shaeegay in lagu wareejiyay guddida abaaraha ee heer qaran, hase ahatee madaxda gobolka togdheer waxay magacabeen gudii abareed oo ka hawl gasha gobolka togdheer guddidaa waxay cabasha ka muujiyeen guddida heer qaran oo ay yiraahdeen dhaqaalana lagama hayo ilaa hada la shegaa guddida abaaraha ee heer qaran, waxayna sheegeen ilaa hada dhaqaalaha ka soo gaaray guddida abaaraha ee heer qaran inay dhantahay 62000$. Dadkiina haraad iyo gaajo ayay u dhimanayaan dhaqaalihii faraha badnaa ee la sheegayna waxaa la shegayaa inay baxeen, bulshadaa ku dhaqan gobolada bariga maysan helin hay’addo madax banaan oo gurmad u muujiya,

Bulshada inteeda badan waxay is waydiinayaan guddida abaaraha ee heer qaran waa guddi u badan culimo, culumaduna waa dadka ahlu diinka ah ee nabigeena swc  amaanay sheegayna in hadii nafta loo yaabo lana waayo cid kaloo wax lagu aamino ay yihin kuwa ugu mudan ee wax lagu aamini karo.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan guddida abaaraha ugu baaqayaa haday jirto gacan dhexe oo waxa yar ee la isu keeno lasii mariyo inay bulshada u shegaan in wax laga qaban karo iyo inkale, hadayse tahay wax ka wayn hawsha siday usocotana ay iska casilaan shaqadii ay ku fashilmeen,

Waxaanan ugu baaqayaa guddida abaaraha ee heer qaran inay bulshada uga war bixiyaan xaalada halka ay la marayso tv yadana ay soo fadhiistaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso