Go’aan uu Cabdi-madoobe Hordhigay Garaadada Dhulbahante & Sababta uu Ganacsade Maxamed-jabuutaawi ugu Dhawaaqay Inuu yahay Madaxweynaha SSC

#Xog Kasoo Baxday Go’aan uu Cabdi-madoobe Hordhigay Garaadada Dhulbahante & Sababta uu Ganacsade Maxamed-jabuutaawi ugu Dhawaaqay Inuu yahay Madaxweynaha SSC”
***********

#Meeshii Laascaanood Jaamac Siyaad oo hogaaminaya Maxamuud Garaad, gaar ahaan Garaadkooda #Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Ina Jabutawi iyaga casuumay raggan kale oo shirka qabtay, kadib na shirkii waxaa ku soo biiray dhammaan Garraaddadii, Siyaasiyiin kale, Waddaado, Ciidamo kala fikir duwan, Shirkiina waxaa la wareegay koox gaar ah, oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali.

Haddaba; Laascaanood waxaa ku soo korodhay awood seddexaad oo ah Ciidanka Cabdi-Madoobe, kaas oo ka duwan fikirkii GARAADDADA waxaanu doonayaa in la dhiso Ciidan aan balwad lahayn oo tababaran, isla markaana uu Cabdi-Madoobe wuxuu sheegtay innuu yahay TALIYAHA GUUD EE CIIDANKA SSC.

Xallay waxaa dhacday in Cabdi Madobe (Alshabaab Member) xallay uu la shiray Garaaddadii ugu na hanjabay “in rag daroogo isticmali Dhulbahante ay matali jiren, jabka Dhulbahante na ay tahay BALWADDA (Khamriga & Qaadka). Maantana in SOMALILAND lala dagaalamo ay ka horayso in lala dagaalamo DAROOGADA Qaadka & Khamriga, khasab na ay tahay in laga joojiyo magaalada Laascaanood iyo deegaanada SSC”

Arintaasi Garaaddadu waxay ka codsadeen Cabdi Modoobe in imika ay horayso in SOMALILAND layska saaro, laakiin Cabdi Madoobe wuu ku diiday codsigooda gebi ahaan ba, wuxuuna ku adkaystay go’aankiisa.

Khilaaf xoogan bay arintan QAAD-JOOJINTA ee Cabdi-Madoobe ka dhex qarxisay Dhulbahante dhexdiisa, waayo arinta joojinta QAADKI waxaa weerar cad oo lagu soo qaaday u arkay INA JABUUTAAWI oo qaadka ka ganacsada iyo reerkiisa Jaamac Siyaad oo kali ku ah Ganacsiga Qaadka.

Khilaafkaasi wuxuu keenay in galabta Ganacsade JABUUTAAWI ku dhawaaqay “Innuu yahay Madaxweynaha Maamulgoboleedka SSC”

Bal aan dhowrno halkuu saldhigo khilaafkan cusub ee ka qarxay garabyada iska soo horjeeda Laascaanood.

Dr. Jaamac Yuusuf Xasan
Helsinki, Finland
Onkodhilaac@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso