MAXAA KA QALDAN MADAX DHAQAMEEDKA, MAXAA’ SE LA GUDBOON?. Qalinkii:Qaamuuska Qarniga

W/Q: Abwaan Cabdikariim Muxumed-cadde (Qaamuuska Qarniga)

 

MAXAA KA QALDAN MADAX DHAQAMEEDKA, MAXAA’ SE LA GUDBOON

 

Markii laga yimi Geyigii lagu alkumay iyo Noloshii Reer Guuraaga Xeer Dhaqameedku waxuu ku koobmay oo uu dhigayaa in la iska kaalmeeyo dilka iyo dagaalka balse Ma dhigayo in la iska Caawiyo Dadnimada iyo Nolosha Dhaqan Dhaqaale.

Hadaba dhaqanka bulshadu maaha wax meel uun taagnaada ee wuu isbedbedalaa

bulshada maantana waxaad moodaa inay sida xuubka maska uga dhex baxayso Qaab dhismeedkeedii waayo dhaqanka noloshan casriga ah ayaa cidlo dhigey Xeer dhaqameedkii Soo Jireenka ahaa.

Qofka waxa kaliya oo uu reerkiisa xaq ugu leeyahay inay caawiyaan waa Marka uu wax Dilo ama isaga la dilo. Tani waa Ta isha dhaqaale ee ugu weyn ee cuqaasha ka dhigtay inay noqoto magta jyo mawlaxada.

Bal Hadaba Su,aal aan idin Weydiiyee Ninka Mag dhiig Madoobe ah loo haysto iyo ninka Garab raratada ah ee guri kiro ah ku jira afar caruur ah oo uu dhalay Jaamacada galeen ee fiigii jaamacada laga doonayo iyo kirada guriga bil kasta kee ayaa daran? Dee magta waa lagaa sugi oo waxaad odhan aan soo ururiyo balse ninkan kale waxuu joogto u bixiyaa mag aan cidi la bixinayn

Geesta kale imika dadkii miyigii wuu ka yimi magaalo ayuu soo galay ma jiraan wax badan oo dagaal beeleedyo ah oo dadku imika wax shil ku dhinta mooyee way yar yihiin wax is dilaa. Tani waxay saamayn ku yeelatay nidaamka Maaliyadeed ee Cuqaasha oo Hoos u dhac ayay ku keentay dakhligoodii. Isla markaana Cuqaashu lama ay iman hal abuur dhaqan oo ay ku curinayaan Nidaam qaadhaan oo khuseeya waxtarka Noloshan casriga ah ee weli waxay ku eegyihiin kaalmada waxyeelada timaada ee beesha. Beelihii way fara bateen meelna ma wada yaalaane waxay ku baaheen caalamka qaadhaan qaybintana laguma sugi karo qalin Big ah iyo Buug yar oo xaashi laxoox ah oo caaqil sito oo dadkii inta miyiga loogu tago xoolaha laga soo dareerinayey ma jiraan oo magaalo ayay joogaan kolba waxyeelada timaad ha la qaybsadana socon mayso ee waxaa loo baahan yahay in qaadhaanka la cilmiyeeyo wax joogto ah dadka laga qaado iyadoo loo eegayo dakhliga qofka soo gala waxaa loo baahan yahay qaab xisaabeed aqoonaysan waxaa loo baahan yahay in qaadhaanka lagu daro waxtarka nolosha ee sida uu imika yahay lagu koobnaan waxyeelada la gaysto

Habkaasi waxuu dhaqaale weyn u abuuri lahaa Cuqaasha jyo beesha labadaba wax badan oo hada dadku tebayaana wuu buuxin lahaa Caaqilku waxuu yeelan lahaa gaadiid mushahar joogto ah iyo shaqaale xirfadlayaal ah oo aqoon leh.

Hasayeeshee taasi lama keenin islamarkaana hoos u dhaca ku yimi dakhliga Magtu waxay keentay in caaqilku jeebka galo siyaasiga si uu uga helo nolol maalmeedkiisa dee Maxuu Caaqilku sameeyaa Magtii waxay ku soo ururtay dhawr qof oo shil gaadhi ku dhintay intaana hal odey ayaa ku filan caaqilku maxuu qabanayaa dee waa ta dhalisay shaqadii caaqilku inay ku eekaato inuu Gabdhaha meheriyo kadib gabaatigaa yar uu dhiig joojin ka dhigto Macawista iyo cumaamada meherka la keeno qaato kadibna intaanu kolaygu ka dhicin uu ka gaadho waxii shir jaraa,id ah ama cambaarayn ha ahaado ama hambalyeyne.

Markaasay aayar iska odhanayaan siyaasada iyo dhaqanka kala saara cuqaashu waxay ku Milmeen siyaasada Dee Maxuu Sameeyaa Micidaa u Gacanoo Ilkahaa u midigee.

Isku Soo Wada Duuboo Caaqilada waxa la Gudboon inay la yimaadaan Hal abuur Dhaqan oo ay ku curinayaan Xeer dhaqameed Damaanad Qaadaya noloshooda,Nidaam qaadhaan oo aan ku koobnayn iska caawinta waxyeelada ee Wax ka Taraya Nolosha Dhabtacah ee Beesha islamarkaana la jaanqaadaya Nolosha Casriga Ah.

 

Allaa Mahad leh

Qalinkii: Abwaan Cabdikariim Muxumed-cadde (Qaamuus)

Advertisement

Ku Xayeysiiso