Madaxweyne Daahir baa yaabay!!.

Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxa uu ahaa Madaxweyne degan, afgaaban, dulqaad leh, dad isku haynle, wax xeerin, dhowrsan, xurmo leh, masuul ah, oo leh wax kastoo loogu soo hirto ruux masuul ah, Mudane Daahir waxa uu ahaa wakhtiguu xilka hayey masuul xumaatada iyo gafka dulqaad ulahaa, Maxaa yeelay afxumo, hanjabaad, argagixis iyo shaani xitaa lala beegsay hadana wuu u dulqaatay una dhabar adeegay taasina waxay cadaynaysaa inuu ahaa ruux Madax ah oo bisil oo masuul dulqaad leh ahaa, Mudane Daahir Riyaale intii uu xilka hayey waxa ay badeen Xisbiyada Mucaaradka ahi u malayn maayo in ay jirto aduunka Xukuumad la kulantay wixii wajahay Mudane Daahir iyo Xisbigii UDUB, Maxaa yeelay Xisbiga Udub wuxuu ahaa Xisbigii ugu horeeyey ee laga hirgeliyo Jamhuuriyada Somaliland waxa hindisay xisbigaa oo Dhaqan galka siyaasada axsaabta badana lahaa, siyaasigii weynaa ee reer Somaliland ahaana Madaxweynihii Labaad ee Somaliland ilaahay haw naxariistee Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Udub waxa uu ahaa Xisbigii ugu horeeyey ee Somaliland wuxuu ahaa Xisbi aan qabyaalad iyo shuraako ku samaysnayn, Xisbigii Udub waxa uu ahaa Xisbi aan cadho iyo ciil lagu dhisin, laakiin Xisbigii UDUB ee dhaxalgalka inoo ahaan lahaa sida aduunka ka dhacda ee loogu faano Xisbigii Dal ugu hor hirgalay, sidoo kale waxay u ahaan lahayd xurmo iyo abaal marin xusuuseed Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee fikirka iyo hantidiisii galiyey ee Dhulka aan kasamaysan se dhulkiisii iyo hantidiisii u iibiyey bud dhigii Jamhuuriyada Somaliland iyo siyaasada axsaabta badani si ay inoogu hirgasho, se ma ayan dhicin ee waatii xeerka loo samaystay si dhaxalkii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Dalka u dhiteeyey iyo taariikhdiisa iyo waxuu Dadka iyo Dalka u galay cagta lamariyo waayo dadkii ayuu tusay waxa ay yihiin wakhtigaa raga maanta weli Xumaatada iyo naxligu sii biyo dhiganyahay ee uurkutaaladii ay Cigaal u hayeen weli kusii Dihintahay, illaahay ha u naxariistee isaga oo wakhti dheer sii mootan, waana ta keentay in Mudane Daahir Riyaale Kaahin markii Xisbiga uu la wareegay waxaynu ogayn ay u badeen ee markii uu Kulmiye qabsaday judhiiba Xisbigii ahaa dhaxalkii uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal inooga tagay ay u baabiyeen nuqdiga ku nugul ee ku likan awgeed, iyagoo xaasidaaya kuna xumaynaaya Marxuunka god galay, sidoo kale Mudane Daahir Riyaale Kaahin na intay baabiyeen Xisbigii UDUB ay la hadheen xildhibaanadii baarlamaanka ee Udub si ay u bahdilaad madaxdii udub waatii Kulmiye sameeyey Waxaan aduunka ka dhicin in Xisbi saaxadii Siyaasada laga saaray ay xildhibaanadiisii ka hadhaan oo sii fadhiyaan sharci dejintii iyaga oo soo jeedinaaya doodo una codaynaaya Shuruucdii Golaha lakeeno!, Runtii waa fowdo iyo Dumuqraadiyad burburin, maantana tii oo kale ay u tafo xaydan yihiin iyo xisbi qaran baabiin kale!, inkastoo aanay ka soconahay maanta waxay ku naaloonayaan. Se wax walba waxa kasii daran Mudane Daahir Riyaale Kaahin raga maanta Kulmiye ahi sagaalkii sanadood ee uu ahaa Madaxweyne ku xigeen Cid ku sheegtay eed may jirin, se ragii mashruuca iyo calooshooda u shaqaystayaasha lagu sheegay waxaynu odhan karnaa ciilkii ay u qabeen Marxuunka ayey kula dhaceen Daahir Markuu Madaxweynaha noqday, Hadaba maanta oo Madaxweyne Kulmiye ahi uu mudo xileed iyo dabo-dhah uu xil dhamaystay, Madaxweyne kale oo Kulmiye ahina mudo xileedkisii uu dabayaaqo yahay oo bilo ka hadheen, Maxaa keeney in Kulmiye aflagaado iyo been abuur loo gaysto Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo saaxadii siyaasada waa’ hore ka fadhiistay, Xisbigii Udub ee uu madaxweynaha ka ahaan jirayna wakhti aad u fog la baabiiyey oo aanu jirin Maxay Kulmiye kumaagayaan? Runtii shirkii Kulmiye wixii kasoo yeedhay deelqaaf, Shacabkii reer Somaliland iyo Mudane Daahir baa yaabay!.
Af xumo nabaday wiiqdaa
Collaadna wax matarto.
Fuad Fartaag
Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso