Dowladnimadu sidaa maaha! W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

Dowladnimadu sidaa maaha!
(31 Sanadood Somaliland weli may fahmin, mana baran waxa Dowladnimadu tahay).

13 May 2022

Dowladnimadu sidaa maaha,waa qoraalo taxane ah oo aan ku eegi doon,qaladaadka jira ee ay maalin kasta ay gasho guud ahaan Dowlada Somaliland(Xukuumada-Golayaasha iyo Garsoor),iyo Xafiisyadeeda kala duwan.

Guud ahaan dalka Somaliland sidiisaba ma laha,cid u qaabilsan ,Borotokoolka wadanka,Afka qalaadna lagu yidhaahdo(Chief Protocol Officer),Madaxtooyaduna ma laha Agaasimaha Botocoolka(Chief Protocol officer for President),taasina waxay keentay in lays dhex yaaco,cid kastaana sida ay jeceshahay u dhaqanto,taasoo keenta foolxumo Dowladnimo.

Hadaba aynu eegno tii ugu dambaysay ee maanta ka dhacday Madaxtooyada Somaliland ,halkaas oo ay booqasho ku yimaadeen Taliyaha AFRICOM (USA) iyo Ambassadorka dalka Maraykanka(USA)ee fadhigiisu yahay Muqdisho, Somalia .

Safiirka iyo Taliyaha AFRICOM,markii ay soo gaadheen Madaxtooyada Somaliland intii aan Sawirkooda arkay,waxaa ku qaabilay madaxda ay ka mid yihiin:-

Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka.
Wasiirka A.dibadda
Wasiirka A. Gudaha
Wasiirka Gaashaan dhiga.
Taliya Ciidanka Qaranka(General)
Taliyaha Ciidka Booliska(General).
Waa laga yaabaa in ay jireen Madax kale oo joogay oo aan Sawirka ka muuqan.

Hadal iyo dhamaan waa ku ceeb Dowladnimada in Taliyaha AFRICOM iyo Safiirka Muqdisho fadhiya in ay soo hor fadhiistaan intaas oo Madax ahi,waa Borotokool xumo,waa Dowladnimo xumo,waxaana ka muuqata in Somaliland aanay weli aanay fahmin macnaha Dowladnimo.
Waxaa ku filaa Soo dhoweynta Ambassador ka iyo Taliyaha AFRICOM, in ay Madaxweynaha u geeyaan Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka,laakiin weli maan fahmin waxa laysla dabayaacayey!

WAAR AYNU BOROTOKOOLKA IYO DOWLADNIMADA BARO,

ALLAA MAHAD LEH

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

Advertisement

Ku Xayeysiiso