Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Furay Carwadda Shaqo-abuurka Dhalinyaradda Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Furay Carwadda Shaqo-abuurka Dhalinyaradda Somaliland

Hargeysa-22-12-2020-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay carwadda shaqo-abuurka dhalinyaradda Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka oo furay carwadaasi ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqo-abuurka dhalinyaradu isaga oo Madaxweyne ku-xigeenku xusay in xukuumadda Somaliland samaysay shaqo-abuurkii u ballaadhnaa “Sanadkan 2020 waxa diiwaan-gelinta rasmiga ah ee dawladda gashay kun iyo lix boqol (1,600) oo shaqaale ah, waa shaqo- abuur ballaadhan iyadda oo ay bar-bar socoto mashruuca shaqo-qaran, Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweynaha Somailand way ka go’an tahay in la dhiiri-geliyo shaqo-abuurka dhalinyaradda” ayuu goobtaasi ka yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso