“Maxamuud Xaashi iyo Qabo waxay ahayd inay ka dhex tartamaan Xisbiga” Xildhibaan Obama Oo Ka Hadlay Shir-weynihii Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiintii Ka Cadhooday.

Hargeysa ( THN )- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo kamida siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Xisbiga Kulmiye, isla markaasina kamid ahaa shaqsiyaadkii aas-aaskii Xisbiga kaalinta culus kasoo qaatay, ayaa waraysi kooban oo uu siiyey Sahan Tv, kaga hadlay sidii uu u qabsoomay shir-weynihii 4aad ee Xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale siyaasiyiintii hore uga tirsanayd Xisbiga ee ka cadhootay shir-weynahan afraad.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ugu horeyn wax laga waydiiyey sidii uu u qabsoomay shir-weynaha afraad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in shirku ahaa shir furan isla markaasina mudo bil ah la naadinaayey cida u tartamaysa, taasi oo markii la naadiyey xisbigu doortay cidii isku soo taagtay jagooyinkii lagu tartamaayey balse aanay taasi macnaheedu ahayn in cid loo xidhay xisbiga, balse cidii timaadaba waa lasoo dhaweynaayey, manayse dhicin in cid kale timaado oo isa-soo sharaxdo.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo wax laga waydiiyey hankiisa siyaasadeed ee hogaaminta xisbiga ayaa waxa uu si kooban ugu gaabsaday in aanay wakhtigan ahayn doorkiisii, isla markaasina aanu diyaar u ahayn inuu isasoo sharaxo doorkan, balse aanay jirin cid u diidaysaa inuu isasoo sharaxo, isla markaasina mar hore-ba uu ka qayb-galay tartanka hogaaminta Xisbiga Kulmiye, taasi oo aanay jirin cid ka hor istaagtay inuu hankiisa siyaasadeed isku soo taago.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo sidoo kale wax laga waydiiyey sida uu arko siyaasiyiintii ka cadhooday shir-weynaha Xisbiga ee aan kasoo qayb-galin sida Maxamuud Xaashi iyo Qabo ayaa waxa uu sheegay in hanaankii uu u qabsoomay shir-weynaha xisbigu, iyo sidii loo maamulaayey iyo sidii loo qorshaynaayey-ba in aanay ka duwanayn sidii loo qaban jiray kuwii kan ka horeeyey, isla markaasina aanu dhaliil ku arkayn, isla markaasina aanay jirin cid isasoo sharaxday oo loo diiday, sidoo kalena aanu arag meel ay ku dhaliileen hab-maamulkii shir-weynaha, Ash-khaastaas ka maqnayd shirku, balse isagu shaqsiyan  qabo marka qofku musharax yahay in aan qofku cadhoon, isla markaasina ay waajib ku tahay inuu waraaqaha codsiga xareeyo oo uu isku taago hankiisa kana dhex loolamo shirka, isla markaasina uu ka qayb-qaato doorasha oo xitaa hadii laga guulaysto uu markaasi cadhoodaba.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)  oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in isagu aanu qabin in siyaasiyiintaasi ay cadhoodeen isla markaasina aanu arag meel ay isku soo taageen oo ay doorasho ku galeen oo lagaga adkaaday, balse ay horeba u dhici jirtay xisbiga dhexdiisa in siyaasiiyinta xisbigu kala cadhoodaan.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ugu dan-bayntii la waydiiyey inuu ka shaqayn-doono inuu isku soo dhaweeyo labada dhinac ee kala cadhooday, ayaa waxa uu sheegay inuu jecelyahay in la isku soo dhawaado oo la isku tanaasulo isla markaasina uu qabo in ay ka shaqeeyaan isaga iyo inta la aragtida ahi-ba in arintaas la xaliyo lagana hawl-galo.

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhamays-tiran

Advertisement

Ku Xayeysiiso