Madaxweynaha Afghanistan oo gaadhay Qatar

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa gaaray Dalka Qatar, halkaas oo uu kulan labo geesood ah kula yeelanaayo hoggaamiyeyaasha laakiin lama kulmi doono Saraakiisha Taliban xitaa iyaddo wadda haddallo nabadeed ay ka socdaan Caasimadda Dalka Qatar ee Doha.

Wadda hadaladda u dhaxeeya Dowladda Afghanistan iyo Talibanta Afghanistan, oo billaawday bishii la soo dhaafay, ayaa ujeedadu waxaa ay tahay in dhinacyadda iska soo horjeedda ay ogolaadaan inay dhimaan rabshadaha iyo heshiis awood qaybsi oo cusub oo suuragal ah in laga sameeyo Afghanistan.

Askar ka tirsan Ciidamadda Afghanistan iyo dagaalyanadda Taliban, ayaa ku dhintay isku dhacyo culus iyo weeraro ismiidaamin ah oo dhex maray labadda dhinac todobaadyaddii la soo dhaafay.

Si kastaba wali ma joogsanin iska hor imaadyadda labadda dhinac u dhaxeeya iyaddo uu socdo gorgortanka ay ku jiraan Afghanistan oo ah wadda hadallo toos ah. Markii ugu horeysay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso