Xisbi Mucaarad ku ah Sacuudiga oo Lagu Dhawaa

Koox u dhashay Sacuudiga Carabiya oo wadanka laga musaafuriyay kuna nool dalal ay kamid yihiin; Mareykanka iyo UK ayaa ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah, waana urur siyaasadeed kii ugu horeeyay oo mucaarad ku ah xukunka boqor Salmaan.

Xisbi siyaasadeedkan ayaa lagu magacaabay Xisbiga Golaha Qaran National Assembly Party, waxaana hogaamin doona aas aasaha xarunta xuquuqul insaanka oo London ku taala Yaxye Assiri iyadoo xubno ka yihiin Madawi al-Rashiid, Saciid Bin Nasser al-Ghaamidi, Cabdulaahi Cawdah iyo Cumar Cabdicaziz.

Sacuudiga Carabiya waa boqortooyo aan wax dul qaad ah u laheyd mucaaradad laakiin sameynta xisbigan ayaa ku soo aadaya xilli dhowaanahan ay jireen caburin dhan ah xoriyadda hadalka.

Isku daygii ugu horeeyay oo xisbi siyaasi ah, waxay aheyd 2007 iyo 2011 hase yeeshee gacan bir ah ayaa lagala hor yimid waxaana xabsiga loo dhaadhiciyay xubnihii abaabulayay.

“Waxaan ku dhawaaqaynaa yegleelidda urur siyaasadeed mucaarad ah oo lagu magacaabo National Assembly Party, kaas oo loogu gol leeyahay in uu noqdo hey’add dimoqradiyeed oo ka jirta Sacuudiga,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xubnaha xisbiga Arbacadii.

Tallaabadan ayaan badanaa loo arkaa in aysan wax weyn u dhimi doonin xukunka qoyska ugu awooda badan dunida Carabta, laakiin waxaa ay ku kordhin kartaa caqabadihii horey u heystay Sacuudiga oo ay kamid tahay qiimaha shidaal ceyrin oo hoos u dhacay, saameynta safmarka COVID-19 iyo arrimo kale.

Hogaamiyaha xisbigan Assiri, wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka cirka Sacuudiga ee Royal Saudi Air Force , magaalada London ayuu ka aas aasay xarun u dooda xuquuqul insaanka taas oo soo saartay xadgudubyada ka dhacay Sacuudiga oo ay kamid yihiin xariga dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka, aqoonyahnada iyo dad ka tirsan qoyska boqortooyada.

Afhayeenka xisbiga Rashiid ayaa sheegtay in aas aasiyaasha ururkan aysan wax cadaawad gaar ah u qabin qoyska xukuma wadanka Sacuudiga.

U jeedada urur siyaasadeedkan mucaarad ka ah ayaa aas aasiyaashu ku sheegeen maqanaanshaha garsoor madax banaan, faafreebta dowladdu ku heysto warbaahinta maxaliga ah iyo arrimo kale ayaa keenay sameynta xisbigan.

Sacuudiga Carabiya muddo dheer ayay wajahaysay dhaleeceyn caalami ah oo ku aadan diiwaankeeda liita ee xuquuqul insanka. Taas oo xoogeysatay markii dhaxal sugaha wadankaas Maxamed Bin Salmaan bilaabay in uu xabsiyada ku guro qof kasta oo xukunkiisa dhaliilsan.

Tusaale ahaan, bishii October 2018 waxaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay wariye Jamaal Khashoggi, dilkaas oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Bin Salmaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso