Xukumadda Oo Shakhsiyaad Ku Wareejisay Carwadii Hargeysa

Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa ganacsato dhawr ah ku wareejisay dhismaha Carwadii Magaalada Hargeysa. Waxa dhismaha laga saaray ganacsato yaryar oo degana si ay si buuxda ugula wareegaan ganacsatada lagu wareejiyay.

Dhismahan qadiimiga ah ee Carwada Hargeysa waxa ku jiray Dhakhtarkii Marxuum Ina Aw Aadan iyo qoysas kale oo danyar ah, waxaana hadda laga saaray dhammaan-ba dadkii ku jiray,kuwaasi oo faaruqiyey dhammaan-ba barxada iyo gudaha dhismaha ee ay ku jiraan,iyada oo hada ay Ganacsadayaasha lagu wareejiyey qufusheen dhismaha sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi oo wariyeyaal ka socda dhismaha tageen.

Xogo uu wargeyska Waaberi ka helay ila wareed-yo u dhuun daloola dhismaha , ayaa sheegay in ay dhismahaa iyo barxadiisiiba Xukuumaddu ku wareejisay Ganacsadayaal iskaashato ah waxaanay arrintani imanaysa iyada oo shalay madaxweyne Biixi sheegay in ay lix bilood murmayeen ganacsade xukuumaddii hore ku wareejisay dhismaha qadiimka ah ee khayriyadii hore. Dhismahaas ayaa markii dambe xukuumaddu xoog kaga saartay ganacsadaha. Waxaana la sheegay in madxaf Qaran laga dhigayo.

Wariyeyaasha Waaberi oo u kuur galay dadka laga raray dhismihii Carwada ayaa ogaaday in dadka laga raray la siiyay kharash aan buurnayn oo ay halkaasi kaga guuraan.

Waaberi

Advertisement

Ku Xayeysiiso