Baaq Ku Socda Dhakhaatiirta Gaarka Loo Leeyahay ee ka howl Gala Gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland W/Q  Shaafici Maxamuud Cige 

Marka hore waxaan halkan ka salaamaya Shacbiga Jsl iyo Dhamaan intii Magacayga iyo muuqaygaba taqaan , anigo Ku salaamaya salaanta islamka

“اسلام علىكم ورحمت الله وبركة”

Salaan kadib 

Waxaan maanta qalinka u qaatay in aan ka hadlo arimo dhowra oo Ku saabsan dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay qaabka ay ula macaamilaan qofka bukaanka ah iyo eheladiisaba 

Ugu horayn inta aanan gelin mawduucayga , waxa is waydiin mudan 

Goorma loo baahda dhakhtar gaar loo leeyahay (private hospital)? 

” jawaabtoo kooban waxa loo baahda marka dhakhtarkii guud ee dawladu dabooli waayo baahiyaha bukaanka qaarkood, ama marka ay kala Bataan Bukaankii iyo qaadkii dhakhtarka guud ee dawladdu (public hospital )

Hadaba markaa waxaan kawada warqabnaa in marka loo baahdo dhakhtar gaara in bulshadu kala kulanto caqabado dhowra oo ay mid yihiin caqabado dhaqaale iyo kuwo naxariis la’aaneed dhakhaatiirta qaar.

Hadaba su’aasha kale ee is waydiinta leh ayaa waxay tahay 

•Bulshadda intee ayaa awooda inay iska dabiibaan dhakhtar gaara?

Runtii aniga aragtidayda waxa awooda inay dhakhtar gaara iska dabiibaan tiro aad u yar oo ah 30% 

Halka 70% kalena ay Ku adag tahay inay iska dabiibaan dhakhtar gaara awoodo dhaqaale awgood.

Waayo dhakhtarkii gaarka ahaa waxa uu Ku bilaabaya isla markiiba inuu lacag ka shubto qofka buka , isagoon wax howlaba bilaabin xitaa qofkii oo laga yaabo inuu xaalad degdega Ku jiro (emergency) , lacagta dhakhtarku ka shubaayo ayaa uu ula kala baxaa magacyo gaara sida 

• Tigidh

• Shaybaadh

• Daawooyim

• Sariirta bukaanka & waliba nooca qolka (Public or Private ) oo kala qiimo duwan.

Sidaa markay tahay waxaan dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay kula talin lahaa inay shacabkooda hoos u eegaan , niyadoodana ka saaraan “Maalin Ku Taajirnimadda ” waayo shacabku waa shacabkoodii waana dadkii alle idinka beeray 

Xukumaddana waxaan usoo jeedinayaa inay tayeeyaan dhakhaatiirta dawladda si shacabkan dab galay diirku ugusoo noqdo,  waliba wasaaradda caafimaadka ee Ku shaqadda leh arintani waxa haboon inay wax ka qabato howshaas , xarumaha caafimaadkana laga hirgeliyo guud ahaan degmooyinka dalku ka kooban yahay si saxmadda shaqo ee dhalhaatiirta waaweyni uga nafisto shacabkuna uga badbaado ” Dhakhaatiirta Saraha dhaadheer u samaystay shacabkooda Tabcaansan ” 

Sidoo kale waxa xusid mudan in dhakhaatiir ajaanib ahi kusoo badanayaan dalka kuwaaso kaba sii daran dhakhtiirtan u dhalatay dalka, waxaana mudan in dawladu takhasuskooda ka hubiso muwaadiniinta looso shaqo tagay 

Ugu dambayntii waxaan xukumadda usoo jeedinayaa inay jaangoyso qiimaha loogu adeegayo qofka muwaadinka ah , dhakhtarkii diidana laga xidho goobtiisa shaqo , shaatiga ganacsina lagala noqdo.

                        Allah Mahad Leh

Email Shaaficim2015@gmail.com

Tell +25263 4718656 

Advertisement

Ku Xayeysiiso