Codsi Ku Socda Madaxweynaha Jahuuriyada Somaliland Mudane :Muuse Biixi Cabdi Qore : Maxamed Xoosh

Qoraa UK u Dhashay Ayaa Laga Reebay “Dimuqraadiyadu Uma Fiicna Umadaha Jaahilka Ah WAAYO Inta Badan Oo Aan Garaad Siyaasi Ah Lahayn Ayuu Mastaqbalkaagu Gacantooda Ku Jiraa”

Shaki Kuma Jiro Somaliland Dimuraadiyad Inay Ku Caano Maashay Se Madaxweyne Waxa Loo Baahan Yahay Warbaahin Qaranimada U Gaar ah Oo Ilaalisa Wixii Lagu Heshiiyay Saxda Fahanka Qalooca Ee DHALINYADU Ka Haystaan Arimahan Kala Garasho La,aanta

HESHIISKII BULSHO 1993 Iyo Jamhuuriyada Somaliland Shirkii Boorama Waxa Ka Dhacay Heshiis Aan Dawladaha Geeska Afrika Ka Dhicin HESHIIS BULSHO Axdi Qarameed Lagu Galay Jamhuuriyada Somaliland Iyo Dastuurkani Waxay Ka Dhasheen Shirka Boorama

Ka Dib Waxaynu Noqonay Jamhuuriyad Dimuqraadi Ah Dawladnimo Qaatay BEELNIMADII WAA LAGA GUURAY Bulshaduna Waa Muwaadiniin U Dhashay Somaliland,

Nidaam Xisbiyo Badan, Xil Wareejin Nabad ah …. Dawlad Hay`ado Ah , Awood Dhaqan(Guurti iyo Oday Dhaqameedka) Iyo Ganacsi iyo Bulsho Rayid Oo Is Ilaashada …Barlamaan iyo….

Waxa Loo Baahan Yahay Warbaahin Kala Soocda

1- WAXA BUGAAGTA KU QORAN IYO WAAQICA FOOSHA XUN

Waxa Buuga Ku Oo Dhami Wuu Qurux Badan Yahay Balse Wada Run Maaha ! Waaqica Aynu Ku Noolnahay Wuu Fool Xun Yahay Balse Waa La Badali Karaa “Waa In Dhalinyarta Cadhaysan La Fahamsiiyaa”

2-QARANIMADA IYO DIMUQRAADIYADA

Qaranimada “Wadaniyad” Waa Lama Taabtaan Ka Horeeya Wax Walba Dimuqraadiyadu Marka Xisbiyada Loo Soo Daadago Iyadaa Qaybinta Iyo Kala Xadka Bulshada Wadata .. Dhalinyarta Intaa Lagu baraarujiyaa

3- Xukuumada Iyo Dawladnimada

Xukuumadu Waa Madaxweynaha Iyo Kooxdiisa Waxay Leeyihiin Awood Kooban Iyo Wakhti Xadidan Waana La Sixi Iyo Naqdin Karaa La,aantood Dawladi Wey Jiraysaa Dawladnimadu Waa Hay`addo Iyo Tiirka Ay Ku Taagantahay Jamhuuriyadu Weligood Wey Jirayaan Siyaasaduna Waa Ka Mamnuuc Naqdiga Iyo Cayda Saxaafaduna Waa Ka Mamnuuc “Dadka Waa In Baraa”

4- Mucaarid Wax Saxa Iyo Qaran Dumis

Mucaaridku Waa Ururo Ama Shakhsiyaad Qaran Waliba u Baahan Yahay Si Wax Loo Saxo Qaran Dumus Ka Somaliland Ka Jiraa Waa Siyaasiyiin Iyo Warbaahin Weerar Ku Haya Hay`adaha Dawlada Sida, Ciidanka Qaranka Xuduudaha Ilaaliya , Bilayska Iyo Amniga Gudaha Oo Bulshada U Heelan, Garsoorka, Bureaucrat ka Xafiisyada Dawlada Ka Shaqeeya .. Intuba Aan Mushahar Ku Filan Qaadan. Waa In La Dhawro Waa Waajib In La Fahamsiiyo Muwaadinka

5- Wadaadka Ganacsadaha Dawlad u Adeegto Doonaaya Iyo Diidmada Cashuurta

Ganacsato Badan Ayaa U Arka Wax Ka Badan 2.5% Zako Ah Keliya Cashuurta Doonaayo Weliba Adeeg Dawladeed Amni Gudaha Iyo Dibada Adeeg Waxbarasho Caafimaad Iyo…. Cashuurta Waa Waxa Keliya EE Dal Ku Dhisan Yahay Weli Waa Gaabis Bixinteedu Si Loo Helo Dawlad Adag Waa In La Helaa Cashuur … Waa In Loogu Ceceliyo Muwaadiniinta

6- Hadii Doorasho Aan Laga Maarmayn Waa In La Helaa Ninka Haboon Iyo Xildhibaano Maadaamo Barlamaanku Yahay Cida Wax Saxda Waa In Dadka Lagu Baraarujiyaa In Nin Siyaasada Yaqaan Soo Sharxaan Barlamaanku Uma Baahna Nin Wanaagsan Kaasi Isagaa Naftiisa U Wanaagsan Waxa La Doonayaa Nin Danta Guud U Roon Iyana Baraarug

7-Waxa Dumiya Dawladnimada Marka Middle Class La Waayo Ee Ganacsatada Iyo Siyaasiyiinta Iyo Weliba Awooda Dhaqanku u Heshiiyaan Bulshada Muwaadinka Dawlada Ka Caawin Kara Cidii Bixin Wayda

8- Siyaasi Danaysta ah Iyo Siyaasi Danta Guud Raba Siyaasadu Waa Dan Guud Markaa Badanaa Waxa Kusoo Baxa Danayste Siyasada Wax KaYaqaan Siyaasiga Danta Guud Rabaa Badanaa Wax Badan Kama Yaqaan Siyaasada Iyo Warwareegeeda ..Waa In Dhalinyarta Loo Saxaa Muwaadinka Waa In La Baraa Dhalinyartu Weli Waxa Ka Dhaadhacsan Inuu Rer Yahay Oo Aanu Muwaadin Ahayn Sababo Ka Mid Tahay Dawladii Oo Daciif Ah Iyo Reerka Oo Uga Waxtar Badan Dawladda

Madaxweyne Waxa Loo Baahan Yahay Warbaahin Baraarug Joogta Ah Muwaadinka La Daba Taagan Oo Samaysa Argagti Saliim Ah Oo Kalsoonida U Soo Celisa Dhalinyarada Didsan Goor Walba

Bulshooyinku Waxay Hagaagaan Markay Aragti Toosan Ka Haystaan Dalka Iyo Nolasha

Somaliland Guul Iyo Gobanimo

Advertisement

Ku Xayeysiiso