Ruushka iyo Shiinaha oo Doonaya in ay gaadhsiiyaan is dhaafsi ganacsi ilaa $ 200 bilyan


Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Igor Morgolov ayaa sheegay in hadafka lagu gaadhayo ganacsiga Ruushka iyo Shiinaha inay yihiin 200 bilyan oo doolar ilaa sannadka 2020 in lagu guuleysto.

“Sida aad ogtihiin, Shiinuhu waa shariik weyn oo ganacsi iyo dhaqaale ee waddankeenna, sidaas darteed waxaan qabaa in labada hogaamiye ee dalalkeenu ee ganacsiga la gaadhi karo rumoobi karano na,” ayuu yidhi Morgolov oo shir jaraa’id ku qabtay kulanka Iskaashiga Ruushka iyo Shiinaha.

“Ruush-Shiinaha waa Iskaashiga Casriga Cusub” ayaa ku sheegay khudbaddii shirka lagu sheegay in xaaladda aasaasiga ah ee guusha ganacsigu ay tahay in ay u guurto qaab cusub oo wada shaqeyn ah, taas oo ku saleysan kor u qaadista maalgashiga.

Waxaa xusid mudan in ganacsigii Ruushka iyo Shiinaha uu ka sarre maray heerkii 2017 ee 87 billion oo dollar, 39 bilyan oo doolarka Mareykanka ayuu Ruushku u dhoofiyay China, marka la barbar dhigo soo dejinta 48,4 bilyan oo doolar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso