Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah raga hormoodka ka ah Siyaasada Wadankaasi Somalia ayaa ka hadlay Booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Qatar kana dhawaaniyey in xidhibaanada loo qaybiyey lacag xili dalka ay ka jiraan colaad iyo fatahaado.
Waxaanu yidhi sidtan:-

Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar).

Lacagtaas mushaar maaha mana marin habraaca maaliyadeed ee dawliga ah ee kaash ahaan ayaa loo qaybiyey. Waa masuuliyad daro tii ugu wayneed in dalka oo fatahaad iyo colaad ku jira hantida qaranka lagu takrifalo, iyadoo uu ujeedku yahay af wax cunay ka xishoodsii oo yaanan la isla xisaabtamin.

Weli dawladu ma bixin lacagihii ay u balanqaaday fataahada Hiiraan, weli burburkii Muqdisho soo garaay wax wayn lagama qaban. Weli cabashadii dawlad Goboleedyada ee balanqaadkii dhinaca amniga iyo kaalmo la’aan dhaqaale waa sidiisii, weli colaadda sokeeye ee Puntland iyo Somaliland cidna deminteeda looma dirin. Dhinaca kale, horjoogihii kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ayaa ku faanay in Madaxweynihii qaranka uu qirtay in laga adkaan waayeen, isagoo sabab uga dhigay caqiido la’aanta ciidanka Soomaaliyeed.

Waxgaradka Ahlu Xal Wal Caqdiga ah ee damiir iyo dadnimo leh waa in ay masuuliyadooda qaataan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso