Lieberman oo ku Sifeeyey Golaha Xuquuqda Aadanaha “Munaafaqiin”!

Wasiirka Difaaca Israel Avigdor Lieberman ayaa maanta oo khamiis ah ku baaqay in Israel ka baxdo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, inkastoo Israel aysan xubin ka ahayn golaha.

“Israel waxa weerar laba geesood ah lagu soo qaaday weerarka argagixisada ee Gaza iyo weerarka gardarrada, oo ay hoggaaminayaan Golaha QM ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay,” Lieberman ayaa sheegay , “Dhammaan eedeymuhu waxaa loogu talagalay in ay ka hortagaan Israel in ay naftooda difaacaan. Wayna ku guul daraysteen taas. ” ayuuraaciyey hadalkiisa.

“Waa in aan joojinnaa taageeridda Munaafiqiinta si dhaqso ahna uga baxnaa Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo in si dhaqso ahna Maraykanku u qaado talaabadan oo kale,” ayaa u sheegay Tvga Channel 2 ee Yuhuuda.

Maalintii Jimcaha ee Berri goluhu wuxuu ka hadli doonaa xasuuqa ay u geysteen ciidamadii Israel mudaaharaadayaasha Falastiiniyiinta ee Gaza maalintii Isniinta, taas oo ay ku dhinteen 62 qof, kumanaan kalena way ku dhaawacmeen intii lagu jiray mudaharaadyo looga soo horjeeday safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv ee loo raray Magaalada la haysto ee Qudus..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso