Sooyaalkii Marxuum Cali Ibrahim Maxamed Sharmarke (Cali Sanyare)

Sooyaalkii Marxuum Cali Ibrahim Maxamed Sharmarke (Cali Sanyare)

Inaa Lilaahi, wa inaa ilayhi raajucuun

Marxuum Cali Ibrahim Maxamed Sharmarke, oo ku magac dheeraa Cali Sanyare, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ayaa maalintii Arbacadda ee 2dii May, 2018; 8:00 subaxnimo ku geeriyooday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Waxaanu idinla wadaagaynyaa sooyaalkii marxumka oo maydkiisa dalka la keenayo, subaxnimadda Salaasadda; halkaas lagu aasi magaaladda Hargeysa, iyaddoo ay dawladda Somaliland hadda ku jirto qabanqaabadda aas qaran oo lagu god gelinayo marxuumka.

  1. Dhalashaddii iyo Dhalaanimaddii Marxuum Cali Ibrahim Maxamed

Marxuum Cali Ibrahim Maxamed, magaaladda Hargeysa ayuu ku dhashay gu’gii 1944kii; halkaasoo uu ku hanaqaaday.

  1. Sooyaalkiisa Waxbarasho, oo dheeraa, balse lagu xusi karo

Waxbarashaddii marxuum Cali Ibraahim Maxamed oo uu bud-dhige u ahaa walaalkii Marxuum Axmed Ibrahim Maxamed, oo ku magac dheera Af-qaraf; oo ka mid ahaa Golihii Deegaanka ee ugu horeeyay ee ay magaaladda Hargeysa yeelato; wxaynu ka xusi kara

    • Dugsiyadda Hoose/Dhexe ee Reece Primary School iyo Sykes Thompson Primary School ee magaaladda Hargeysa oo maanta loo yaqaan Sheekh Cali Rooble iyo Axmed Guray.
  • Mac-hadkii Maamulka iyo Maaraynta ee loo yaqaanay Somlai Institute of Public Administration (SIPA), oo ahaa heerka dugsiyadda sare .
  • Shahaadda Jaamacadda ee Heerka Koowaad wuxuu ka qaatay Northeastern Illinois University ee dalka Maraykanka, isaggoo ku takhusasay Maamulka Dawladda (Bachelor degree on Public Administration).
  • Shahaadda Jaamacadda ee Heerka Labaad post-graduate degree ayuu ka dhameeyey INstitute of Social Studies (ISS) ee ku yaala magaalada HAYG ee dalka Holland
  • Waxaa kale oo tababaro oo kala duwan ka kala qaatay jaamicado kale oo ay ka mid ahaayeen
    Harvard University. Wisconsin University iyo Missouri University ee dalka Maraykanka, isagoo ku qaatay takhasusyo kala duwamn oo kala ahaa Maamulka Shaqaalaha (Labor Management), Maamulka iyo Maaraynta Shirkadaha (Cooperative management), iyo Hormarinta Bulshadda (Community Development).
  • Waxaa kale oo uu maadooyin kale oo waxbarasho ku soo qaatay dalalka Germany iyo Uganda

.3. Waayo-aragnimaddiisa oo qoto dheerayd waxaa laga soo qaadan karaa

  • 1963kii ayuu bilaabay shaqada ugu horreysay Maxkamada Hargeysa, Isago noqday
    Kaaliye Maxkamadeed.
  • 1965kii waxaa loo bedelay xaruniia Wasaarada Cadaalada ee Soomaaliya ee ku taalay magaaladda Muqdisho, halkaas uu ka noqday Maamulaha Xafiiska Wasiirka Cadaalada ( Assistant in the Office of the Minister of Justice)
  • 1971kii waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqadda ( Director of Labor Department) ee Wasaaraddii Shaqada iyo Isboortiga ee dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey; halkaasoo uu gadaalkiina ka noqday Agaasime Guud..
  • 1975kii ayay xukuumaddii Soomaliya, ku wareejisay Ururka Midawga Africa (Organization of African Union, OAU); halkaasoo loo magacaabay Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda ee Ururka Ururka Midaynta Shaqaalaha Afrika (Organization of African Trade Union Unity- OATUU) oo xaruntiisu tahay magaalada Akra ee dalka Gaana, ee galbeedka Afrika
  • 1976kiina, waxaa loo doortay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Afrika oo hayaymuddo 14 sano ah.
  • 1986kii ayuu Shirweynihii Caalamiga ahaa Ururka Shaqaalaha Adduunka (International Labor Organization-ILO) ee Ururka Qaramada Midoobay Marxuum Cali Ibrahim Maxamed u doortay XUBIN MUDAN ( Titular Member); oo kaga mid noqday 58ka ah ee saddexdii sanadoodba mar ay dalaka ILO xubnaha ka ahi u doortaan Golaha Sare ee Ururka Shaqaalaha Addunka ee ILO loo yaqaano oo fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
  • 1990kii wuxuu Marxuum Cali Ibrahim Maxamed sarkaal sare ( Senior international Civil Servant) ka noqday Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), oo maamuleyaasha sare ee Geneva fadhiya ka mid ahaa muddo 8 sano ahaa
  • 1998kii waxaa marxuum Cali Sanyare loo dalacsiiyey inuu noqdo Agaasimaha Xafiis Goboleed
    Afrikada Bari ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO); oo ay hoos yimaadaan dalalka Somaliland, Soomaaliya, Kenya, Uganda, Tansaaniya, jagadaas oo uu hayay ilaa 2006 oo 8 sano ku siman
  • 31kii bishii JUULAY ee Sanadkii 2006, ayuu hawl-gab ka galay shaqadii Qaramada
    Midoobay, una soo guuray Hargeysa.

4) Sooyaalka Siyaasaddeed:

  • Bishii Ogost 15dii,Sanadkii, 2006, ayuu Madaxweynahii Somaliland ee wakhtigaasi,
    Mudane Daahir Rayaale Kaahin, uu u magacaabay marxuum Cali Ibraahim Maxamed Wiisrka Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka Caalamiga; iyaddoo ay magacaabistiisa si wadajira u soo dhaween xisbiyadda muxaafadka iyo mucaaradka ee Somaliland. Guulaha la taaban karo ee marxuum Cali Ibraahim Maxamed uu Somaliland u soo hooyay 2006-2010 oo uu Wasiirka Qorshaynta ahaa; oo aan halkan lagu soo koobi karin waxaa ka mid ahaa
  • Qorshihii Dibudhiska iyo Horumarinta (Reconstruction and Development Plan- RDP) ee Somaliland oo uu marxuumku unkay oo ahaa curadka Qorshe horumarineed oo ay Somalialnd yeelato
  • Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaano Somaliland Development Fund (SDF) oo samayntiisa ku guuleystay intuu uu xilka Wasiirka Qorshaynta Qaranka hayey; ka dib markii uu beesha Caalamku ku qanciyay in Somaliland si toosa loo ssiyo deeqaha horumarinta. Sanduuqan maal-gelinta horumarinta oo uu sii ambaqaaday Wasiirkii uga dambeeyay wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, mashaaraiicda wax-ku-oolka ah lagu maal-geliyay waxaynu ka xusi kara kuwan
  • Dayactirka Waddada Hargeysa-Berbera-Burco
  • Dhamaystirka Waddada Boorama-Kalabaydh
  • Mashruuxa xoolo naaxinta ee Aroori
  • Mashruuxa xoolo naaxinta ee Qoolcadday
  • Mashruuca fidinta Beeraha ee Aburiin
  • Balaadhinta biyo gelinta magaalooyinka qaarkood, sida caasimadda Hargeysa
  • Mashaariicda caafimaadka iyo Waxbarashadda ee goboladda Sool iyo Sanaag;
  • Soo saaristii siyaasadaha Isuduwida Deeqaha iyo Dabagalka mashaarricda (MOnitoringa nd Evaluation Policy) ee maanta lagu hgao horumarkeena
  • Barnaamjyadda Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda (Public Finance Reform) iyo Tayaynta Shaqaalaha (Civil Service Reform) oo ay maanta gacanta gacanta ku kala hayaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hayda Shaqaalaha Dawladdu
  • Xisaabtanka iyo Daah-furnaanta Miisaaniyadda iyo qaadhaanka caalamiga ah
  • Mudnaanta Horumarinta ee Gobollada Bariga oo uu heshiis kula galay hayadaha caalamiga ah
  • Xeerka Ururradda aan dawliga ahayn, iyo
  • Tayaynta Wasaaradda Qorshaynta, sida Dhismaha Xarunta Wasaarddu maanta ku hawl
  • Xisbiyadda siyaasadda; isagoo xubin firfircoon ka ahaa xisbigii UDUB ee taladda dalka hayay ayuu haddana xidhiidh wanaagsan lahaa xisbiyaddii mucaaradaka ahaa ee Kulmiye iyo UCID, isagoo ahaa siyaasi ruug cadaayaa oo qunyar socod ah oo loo soo wadda joogsado, marka loo baahdo maaraynta is-maan-dhaaf siyaasadeed oo dalka ka oogsadaay. Gadaalkiina wuxuu ka mid noqday hogaamiyeyaasha miisaanka iyo maamuuska ku leh, ee ka dhe muuqday xisbiga mucaaradka ah ee Wddani
  • Alla haw naxariistee Marxuum Cali, mudooyinkii ugu danbeeyay wuxuu ku hawlanaa arimaha khayriga ah ; isagoo ahaa Guddomiyaha Guddida Mashruuca Dhismaha WADADA CAD ee hargeysa-Sallaxley-Ina Guuxaa oo hadda heer fiican maraysa. Waana wadadii ugu horaysay ee laga hindiso dalkeena ee astaanta u ah inay bulshaddu wax qabsan karto haddii la isku tashaddo. Waddadaasoo hooyo ah dhamaan wadooyinka khayriga ah ee dalka ka socda .
    Mudadaa uu Alle haw naxariistee Cali Sanyare
  •  XILALKA KALE

Xilalka kale ee uu Alla haw naxariistee Cali Ibrashim Muhumed ( Cali Sanyare )uu soo qabtay dhalinyaranimadiisii waxaa ka mid ahaa:

  • Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Somaliyeed ( President, Somali Youth Organization (SYO). Waxaa lagu abaabulay ururka magaalada Hargeysa lixdanaadkii, Kadibna wuxuu Wasiir Cali u qaaday Xamar, halkaaso uu ku yeeshay 37 laamood ama farac.
  • KU-xigeenka URUR-WEYNIHII SHAQAALAHA SOOMAALIYEED (Confederation of Somali Labour. ( CSL

.Alla haw naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Maxamed Sharmarke(Cali Sanyare ).Wuxuu ifka kaga tagay 9 qof oo kala ah xaas, sadex Caruura (Sharmaake, Ceebla, iyo Iido); iyo 5 Caruura oo oo uu Awaw u yahay.

ILaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo; halyaygaa Somalialnd ka baxay; eheladdii iyo asxaabtii, iyo qarankana ILaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo

 

AAAAAAAAAAAAAAAAAAAAMMMMMMMMMIIIIIIIIIIIIIIn

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso