Ra`iisal Wasaaraha Japan oo u Cadeeyey Cabbaas in Tokyo aysan u Rari doonin safaaradeeda Qudus ta la Haysto

Ra’iisul-wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay intii uu socday kulan uu la yeeshay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed, in dalkiisa uusan safaaradiisa ka rari doonin Tel Aviv isaga oo geynaya Qudus ta la haysto.

Abe ayaa xaqiijiyay in dalkiisu taageersan yahay Xalkuna ku jiro laba dawladood sidoo kale na uu diyaar garaw ugu jiro si uu uga qaybqaato dadaal kasta oo lagu gaadhi karo nabadda iyo sii wadida taageerada mashaariicda u adeega dhismaha hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha Falastiin.

Abe ayaa yimid magaalada Ramallah isaga oo ka soo kicitimay Jordan halkaas oo uu kula kulmay King Abdullah II kadib markii uu booqasho ku soo maray iyana dalka Imaaraadka Carabta, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la kulmi doona maanta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso