CIILQABE

CIILQABE
(Dibnahaa la cunayaa,Qosolkaa la deexdaa,Adigoo il dabayaa,Dadku inaanay kaa garan,Misna lagu dedaalaa).Dibadyaal by hadraawi
Fadlan waqtii sii akhri waa Qiso aan waqti horre qoray oo aanan idinla wadaagin
Dhagahu ayaan daranaa malaha iyagoo daboolan ayay sidan ku dhaami lahaayeen indhuhuna kasii daran, Habeenkii dhamaadaa waa uurxumo iyo waqti tagay maalintii timadaadaana waayaheeda ayay wadataa itaalkayguna waa sheegaa ma dhaafto,(When ever you see some one smile suddenly you smiling but why?Did you see some funny ?)Vise verse Mururgo,(CIILQABE)
Waxay si joogta ah maskaxdeenu uga dareen celisaa dhacdooyinka maalinlaha ah mid farxadeed ama murugo waxay maskaxdu ku kortaa wacyiga nololeed ee deegaanka ku xeeran bal adba murugadana bal ka waran, tiro yari ma sheegin tayo xumo mooyee xisaab madhanbaa dadku hoos hoos isugu gaystaan dusha sarre markaad ka eegto waad ku lumaysaa dhamacbaa hoostaa ka daaran,maan filanayn dhacdadani balse ilaahay waa igu simay , waa xili danbe oo waxaan qoyskayga qofka mid ah gaadhsiinayay gurigeedii oo jigjiga yar ku yaala markaan gurigii gaadhnay ayaan usoo kala jeediyay dhinacaa iyo gurigaygi waxaan soo gaadhay meel kaalin ah shidaalban gaadhi ku shubayay waxaanad filanaynin dhib badanaa saacadu waa 12:30 habeenimo cod ilma yar ayaan maqlay riyo ayaaban mooday waayo wuxuu ku dhawaaqayay gaajo ayaa ihaysa dhinacayga midig ayaan u jeedsaday waaba ilma yar oo da’da aan ka waynayn inantayda mawada qiyaas ahaan waa 6 jir bal hadda eeg waa 12:30 habeenimo gaajo ayaa soo kicisay ilmahaa yar ehelka ugu dhaw ee uu leeyahayna waa umadaas gawaadhida dhalaalaya wata ee muraayadu udalacan tahay oo aan aniguna ka mid ahay nin waliba ubadkii uu dhalay nabad qab ayuu ku ogyahay caanahu in ay ka go’aan ma qaadi karno balse dariskeenuna waxaa laga yaabaa in aan dab u shidnayn ilmihii ayaan ku idhi adeer bal kaalay ma gaajo ayaa ku haysa wuxuu iigu jawaabay haa ilaahay amarkii hadalkaasi waan aaminay waayo indhahayga ayan wax ku arkaa waxaa intaa iigu xigay soo kor adeer gaadhiga gaadhigii ayaan hore ka dhaqaajiyay ilaa hotel aan ka gaadhayay.
Hotelkii : waxaad haysaba bal soo dhig cuntadii ayaa la isoo hordhigay wiilkii yaraa ayaan ku idhi cun adeer yaa ilaahal caalamiin waan qiirooday ismaan lahayn sheeko mooye sidan ayaad wax u arki markii uu cuntadii laastay ayuu hadana igu yiri wiilkii yaraa adeer hooyo iyo 3 caruura oo ila dhashay gaajadan ayaa haysay cunto ayay ubaahan yihiin , halkay joogaan ayaan ku idhi guryaha danbe ee wadada jigjiga yar ayay buul ka dagan yihiin, 5 casho ayaan kasii qaaday hotelkii wiilkii yaraa ayaa I hagaya gurigiiban soo gaadhnay mise waa hooyo iyo caruur diifta gaajo iyo baahi ba ka muuqato cuntadii ayan udhiibay hooyadii,ilaahay amarkiis hooyadii ayaa iwaramaysa aabihii ubadkan dhalay wuu waashay cilaajbanu ku jiraa aniguna hooyo ayan ahay ubadkan yaryar ayan ka tagi kari waayay hadii aan dhulkaa kaba soo xoogsan lahaa, aduunyadu waa imtixaan arin walbana ilaahay cibro ayuu ka wadaa nin dharagsan iyo nin gaajoonayaba,mid caafimaad qaba iyo mid xanuunsan,waxaan isla markiiba eegay dhinacyadayda mise waa guryo daaro ah oo dayr miidhan ku xeeranyahay Hadaba ma ciilqabayaalbaa maxay la ooteen hareertoodu miyaanay umuuqan waa laba nolol oo kala duwan kaaf iyo kala dheeri waana marxalad khatar ah .
Habeenkaa sidii laydh igu dhagay ayaan ahaa gurigaygii ayan toos usoo imid waxaan anoo naxsan hubiyay caruurtaydii laydhbaa I haysta oo waxaan ogahay in ilaahay mahadii ku suurta gashay in ubadkaygu ku sugnaadaan xaalad aabo iyo hooyo caafimaad qaba iyo ehel balaadhan kasoo jeedaan habeenkii oo dhan ayaan daawanayay caruurtaydii oo waxaan isleeyahay kuwaasiba waalidbaa dhalay ilaahay cilmi badanaa .
Qiimaha nolosha maaha kaligaa dharag oo dhinac walba iska dhig balse ilaahaybaa yidhii “Fasiiruu fil ardi” socda oo dhulka eega iyo waxaa ku nool isbarbardhigna samee
Ma dadbaan arlada jirin Ma damiir la’aanbaa ma duul dumay baynu dabadii ka joognaa mise waa inoo aakhiro,nolosha aan qorshaha lahayni waa go-doonkan oo kale,cidii masuuliyadan lahayd waa innaga dawladnimadu waa adi,damqashadii baa inagu yar taasaana horsed u ah in muwaadin jecel dalkiisa uu inaga soo dhex baxo,maalin kaliya masuuliyad ismaynu saarin waxaaba inoo dheer cadaawad been ah,faan iyo fadhadhakh erayadii hadraawi ee maansadii dibadyaal sida dadkii loo kala go ay ka hadlaysa
Dibnahaa la cunayaa
Qosolkaa la deexdaa
Adigoo il dabayaa
Dadku inaanay kaa garan
Misna lagu dedaalaa
70% dhalinyaro ayaynu nahay Somaliland uma baahna in USA dad joogaa ufikiraan oo nolosheena masuuliyadeedii saarno ilaahaybaa halkan inagu beeray dalkana cidkale cirka uga soo dhici maayaan ee gacmahan aynu hoos dhigano dawladaha caalamka waynu ku lunay ee nafteena aynu u hurno innagoo isku duuban,hal qoys wada ah ciida ina midayso.

W/qoray :Ahmedyasin Sh cumar Sh Ahmed Furre
Email:Ahyaseen216@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso