Maqaalka qormadan oo ah qaybtii labaad ee maqaalada aynu ku noolayn doono bisha in badan oo dadka muslimka ahi moogan yihiin ee SHACBAAN!

Maqaalka qormadan oo ah qaybtii labaad ee maqaalada aynu ku noolayn doono bisha in badan oo dadka muslimka ahi moogan yihiin ee SHACBAAN!

Waxaynu ku eegi doonaa qormadan casharo aan ka bartay quraanka kariimka ah.

Ugu horeyn Quraanku waxa uu ka mid yahay acmaasha ugu wanaagsan ee lagu noolayn karo bishan , looguna diyaar garoobi karo bisha barakaysan ee Rammaddan. Sidaas darteed waxaynu soo qaadan doonaa xadiis rasuulka ka sugan oo ka digaya  in ay soo bixi doonaan “ dad ummaddisa ka mid ah oo Quraanka u cabaya sida uu qofku u cabo caanaha oo kale”.

Macnaha xadiiskan ayaa ah inay soo bixi doonaan dad keliya quraanka akhriya . Dadkaas oo ka tegay ama ilaabay barashada macnihiisa , inay casharo ka bartaan dhacdooyinka ama sheekooyinka ku soo arooray  , waanooyinka ku soo arooray inay weeleeyaan , inay xukunada ku soo arooray fuliyaan ,IWM.

Sidaas awgeed waxaynu soo qaadan doonaa AAYADO quraanka kariimka ah oo aynu macnayaashooda iyo casharada ku duugan aynu wax ka tilmaami doonaa.

 

 

SUURATUL FAATIXA 5

Aayadani waxaynu ka faa’idaysan karnaa  :

  • Inay jiraan xanuuno ku dhaca qalbiga oo uu ugu weyn yihiin ISTUS-NIMADA iyo ISLA-WEYNIDA

ISTUSNIMADU waxay keeni kartaa inay cibaadada aynu la imanaynaa aanay noqon ALLE dartii . Dawada aynu kaga bixi karno ama kaga hortagi-karno waxa ay tahay :

اياك نعبد

 

ISLA-WEYNIDA ama KIBIRKA oo macnaheeda ay ka mid tahay inuu qofku moodo in aqoontiisa , awoodiisa ama lacagta uu haysto uu ku kaaf-toomi karo.

Dawada xanuunkan waxaynu kaga hortagi karnaa ama ku dawayn karnaa :

اياك نستعين

Taas oo macnaheedu yahay ALLAW adigaanu kaalmo iyo caawimo kaaga baahan nahay arrimahayaga Adduun iyo Aakhiro , si kasta oo aanu aqoon , maal ama awood u haysano marna kama maarmi karno kaalmadada.

 

Suuratul FAATIXA runtii waa suurad u baahan inaynu barano macnayaasha balaadhan ee ku duugan. Sidaas darteed aynu ka dhagaysano barashada macnaha suuradan culimada.

 

 

 

 

SUURATUL BAQARA 127 – 128

Labadan aayadood waxa uu ALLE kaga waramayaa xaaladii ay ku sugnaayeen Nabi IBRAHIM iyo Nabi ISMACIL markay dhisayeen kacbada. Xaaladaas oo ahayd mid ay ALLE ka baryayeen inuu ka aqbalo camalkan si bulshada muslimkuna uga faa’idaystaan goobtan barkaysan , kana cabsanayeen in ALLE ka aqbali waayo camalkaas!

Sidaas darteed labadan aayadood waxaynu ka faa’idaysanaynaa :

  • In camal-kasta oo uu qofku la imanayo inuu ku sugnaado laba xaaladood oo ah inuu rajeeyo inuu ALLE ka aqbalo iyo inuu ka cabsado in laga aqbali waayo camalkaas.
  • Camal kasta oo qofku la yimaado gaabis ayaa gala ama qof-kasta camalka uu falayo sida ugu wanaagsan uma qabto. Sidaas darteed waa inuu qofku markasta oo uu camal dhammeeyo waa inuu dambi-dhaaf ALLE

 

 

 

SUURATUL  BAQARA 199

Qaybta dambe ee aayadan waxay ina amaraysa inaynu ALLE dembi dhaaf weydiisano marka aynu camal la nimaadno.

Marka koowaad waxa wanaagsan in qofku marka uu cibaado la yimaado inuu ALLE ugu mahadnaqo sida uu u waafajiyay la imaanshiyaha camalkaas. Tusaale ahaan haddaad adigu salaada ilaaliso , imisa qof ayay ku adag tahay ilaalinteedu ?

Marka labaadna waa inuu ALLE ka baryo inuu u dembi-dhaafo. Tusaale ahaan nabi Muxamed SCW marka uu salaada ka baxo wax uu ku xig-siin jiray inuu yidhaahdo ALLAW ii dembi-dhaaf saddex jeer.

Sidaas darteed qofka la yimaada mahadnaqaas iyo tawbadaas waxa uu u dhaw yahay in camalkiisa la aqbalo , lana waafajiyo  camalo kale . Aayadani waxay sidoo kale ka digaysaa inaanu qofku la dhicin ama aanu cajabin camalka uu la imanayo.

 

 

 

SUURATUL YASIIN 12

Aayadani waxay ka waramaysaa in waxa aynu samayn jirnay wakhtigaynu noolayn iyo raadka aynu ka tagnay ay yihiin qaar qoran oo la inagu abaalmarin doono.

Aayadan waxaynu ka baran karnaa:

In qof-kasta oo adduunyadan ku nooli uu raad ka tagi doono. Raad-kaas oo noqon kara mid wanaagsan , xun ama labadaba. Raadkaas oo ay ka mid yihiin  hadalka, dhaqanka iyo akhlaaqda. Tusaale ahaan qofka caruur wanaagsan ka tagaa waxay sabab u noqon doonaan in waalid-kood jannada darajooyin kor loogu qaado dembi-dhaafka ay ALLE waalidkood u weydiiyeen dartii. Tusaale kale qofka ceel qoda , masjid dhisa ama aqoon ka taga , iyaguna waa qaar raad wanaagsan ka tagay oo ALLE agtii loogu keydin doono.

IBNU QUDAMA ayaa la weydiiyay qofka liibaanay waa kuma ? Markaas ayuu ku jawaabay waa qofka marka uu geeriyoodo aanu ajarkiisu joogsan!

Sidaas darteed waa in aynu ku dedaalno inaynu raad wanaagsan ka tagno. Iskana ilaalino in raad xun inaga hadho.

 

 

Acmaasha la samayn karo bishan ee naftana lagu leylin karo inta aanay rammaaddan soo gelin waxa ka mid ah:

  • Biyo waraabinta. Acmaasha waxtar-keedu saamaynayo abuur kasta oo ALLE abuuray walibana sadaqo ah waxa ugu fiican (waraabinta biyaha).  Biyaha oo la waraabiyo dadka iyo xayaawanka sida shimbiraha iyo bisadaha tusaale ahaan.Waa sadaqo la bixiyo  ta ugu fiican sida rasuulku SCW ka sugnaatay.
  • Qeybista suurado ka mid ah Quraanka , barashada macnihiisa ama akhrintiisa.
  • Turjumista maqaal ama soo koobida muxaadaro.
  • Faafinta khayrka.

 

Gunnaanadka maqaalka waxaynu ku soo koobaynaa in aynu si xeel-dheer u barano Quraanka macnihiisa iyo casharada ku duugan.

Marka labaad waa in aynu ku dedaalo inaynu sifayno kana    fee-jignaano xanuunada ku dhaca qalbiga sida IS-TUSNIMADA iyo ISLA-WEYNIDA. Waayo qalbigu waa meesha keliya ee ALLE ka daalacdo addoonka.

Marka saddexaad waa in marka aynu camal la imanayno aynu ku jirna laba xaaladood : xaalaad rajeyn ah in la inaga aqbalo iyo xaalad ka wer-werid ah in la inaga aqbali waayo. Sidoo kale marka aynu camal wanaagsan la nimaadno waa inaynu ka ALLE uga mahadnaqnaa inuu ina waafajiyay camalkaas , kana tawbad keenaa wixii gaabis , gefaf , moo-ganaan , IWM ee inaga dhacay intaynu camalkaas ku guda jirnay.

Ugu dambeyntiina waa inaynu ku dedaalo , ALLENA ka barino inuu raad wanaagsan inaga reebo , kana magan-galno inuu raad xun inaga reebo.

 

F.G

Maqaalka qormadani kama turjumayo aqoon aan u leeyahay cilmiga TAFSIIRKA , balse keliya wuxuu dhiirigalinayaa barashada cilmigan qaaliga ah ee TAFSIIRKA.

 

 

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay :

تفسير السعدي

تهذيب مدارج السالكين

http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=231634

https://twitter.com/almonajjid/status/801402547772723204?s=20

 

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:

http://Www.Medium.com/@Kadim

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso