Madaxweyne Ummadda u Jawaab. Waa Qalinkii : Abdifataax Ismaaciil

Dawladaha adduunka ee ku horemaray maamul wanaaga iyo daahfurnaanta dimuquraadiyada caafimaadka qabta waxaa caado u ah madaxda dalka xukunta ee ku timi sifo sharciya iyo doorasho dadwayne, marka ay timaado arin xasaasi dalka ku ah oo xiisad siyaasadeed ama mid dareen bulsho kicinaysa waxay aad u siiyaan muhiimada qancinta shacabkooda wixii madmadaw ku jiro. Iyagoo marna si toos ah ula kulma bulshada degmo kasta ama u mariya saxaafada xorta ah.

Haddaba xukuumada soomaaliland ee uu hogaaminayo Xisbul xaakimka kulmiye labadii madaxwayne ee ugu dambeeyey ma la hadlaan shacabkooda markay ay timaado arin u baahan in laga qanciyo dadkii xilka ay hayaan u dhiibtay oo xaq u leh in iyaga lagala hadlo wixii mad madaw ku yimaada? Jawaabta waxaan u daynayaa akhristayaasha, balse hadaan tusaale ugu qoyan imika soo qaato arinta imika dalka ka taagan ee ah heshiiska dekedda berbera, xildhibaano badan oo aqalka wakiilada ka tirsan ay Go’a lulayeen balse aanay cidi dhag jalaq u siin, ayaa timi hadalkii ku noqday dhimbiil daba dhagaha shacabka reer soomaaliland. Iyadoo imika ay kasoo wareegtay mudo ayaamo ah ayaa wali aanu ka hadal madaxwaynaha jamhuuriyada soomaliland muuse biixi cabdi taasina waxay ku tahay niyad jab iyo quud darrayn ay durba ka joogaan shacabka reer soomaaliland xukuumada muuse ee an wali socod baran.

Talo soo jeedintayda anoo soo koobaya shacabka soomaaliland waliba dhalinyaradu waxay xaq u leeyiin in lagala hadlo masiirka dalkooda hadday deked tahay iyo haday dhul kale oo mashruuc laga samaynayo tahayba waayo heshiisyada la gala waxaa lagu galaa qandaraasyo ku muddaysan 30 sano iyo wixii kabadan taasina waa culays saaran garbaha dhalinyarada maanta dhaxlaysa waxaasoo masuuliyad ah. Madaxwaynaha dalka iyo golihiisa wasiiradu haka jawaabaan waxyaabahan soo socda:-

  • Dekeda berbera heshiiskeeda oo cad in lasoo bandhigo
  • Saldhiga militeriga ee UAE in laga saari karo heshiiska gabi ahaanba
  • Ku dhawaad laba sano oo DPworld maamulaysay dekeda dakhligeedi aanu ku jirin miisaaniyad sanadeedka wasaarada maaliyadu soo qorshaysay.

Haddaba xukuumadu haka waantowdo u jawaabida xisbiga mucaaridka ah ee ha u jawaabto dadkii xilka u dhiibtay oo uga xaqleh in lagala hadlo masiirkooda danbe iyo inay ka waantowdo u jawaabida dawladda taagta daran ee federalka soomaaliya taaso inagu ah sharaf dhac inaad marwalba laxintanto dad aad ka maamul iyo maaraynba wanaagsantahay.

Waa Qalinkii: Abdifataax Ismaaciil

USA

Advertisement

Ku Xayeysiiso