Talo Qoran kuna wajahan Madaxweyne Muse
Mudane Madaxweyne Muse maanta waan kula garnaq-sanayaa ee dhigo furan igu maqal.
Anigoo ah muwaadin u dhashay kuna dhashay dalkan Jamhuuriyada Somaliland xaq waxa aan u leeyahay oo dastuurku i siiyay inaan ka hadlo xaqdarrada lagula dhaqmaayo shacabka JSL tan iyo intaynu la soo noqonay madaxbanaanida JSL.
Madaxweyne Muse dalkii la odhan jiray Somali Republic waa kii burburay,dhamaan shuruuc-deeduna way burburtay.Laba dal ayaa loo kala baxay.Waxa lagu noqday sidii june 1960 la kala ahaa.
Hadaba dalkan Jamhuuriyada Somaliland maanta adigaa hogaamiya waxii khalad ku jiro maaha inaad shacabka ku hagtid.Dalkani dastuur,xeerar iyo shuruuc u gaar ah ayuu leeyahay.Caqliga ma gasho shuruucda Somaliya qaar ka mid ah in lagaga dhaqmo dalkan JSL.
In badan ayaan wax ka qoray wax ka bedelka iyo dib u eegista xeerar dalkan lagaga dhaqmo,wax badan ayaan ka qoray toosinta hab-dhaqanka waaxda Garsoorka waqtigii Gud.Yusuf Ismaaciil.Waxyaabahii aan tebayay waxa toosiyay Gud.Aden X.Cali inkasta oo aanu weli taaban meelo muhiim u ah dalkan.
Mudan Madaxweyne Muse maaha wax la aqbali karo in dalkan JSL ee madaxa-banaan ilaa maanta lagaga dhaqmo Xeerka Ciqaabta guud ee Somaliya 1962 kuna saxeexan-yahay Adan Abdalla Osman!
Kala laba dal ayaynu nahay hadana xeerka ciqaabta guud ee somaliya ayaan la wadaagayaa Somaliya waa talaabo ka hor imanaysa jiritaanka dalkan JSL! Waa inaynu ku kala baxnaa wax kasta oo ka hor imanaya madaxbanaanida JSL. Miyaanay xaqdarro iyo meel ka dhac ku ahayn dalkan JSL inuu adeegsado xeer dal kale leeyahay!
Madaxweyne Muse waxaan kuu soo jeedinayaa inaad laasho xeerka ciqaabta guud ee Somaliya 1962, curisidna xeer ciqaabeed dalkan JSL leeyahay. Waxaanay talaabadan laalistu ku geyaysiin doontaa taariikh toggan.
Anigoo muwaadin ah waxaan kuugu garnaq-sanayaa ma xaq baa in muwaadiniyiinta JSL waaxda garsoorku u adeegsato xeerka ciqaabta guud ee Somaliya!
Ma aqbalayo in muwaadiniyiinta JSL loo adeegsado xeerka ciqaabta guud 1962 ee Somaliya,waxaanan rumay-sanahay inay xaqdarro ku tahay shacabka JSL.
Allaa Mahad Leh.
Xuseen Xasan Badmaax
4026100