Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Toddobaad. W/Q Siciid Gahayr

Qormadan toddobaad ee tixda iyo taariikhda Abwaan Nimco-Gabaydo IHUN waxa aynu ku soo qaadan doonnaa gabay la yidhaahdo “Waayeel” oo ay ugu baroor-diiqday Marxuun Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Cabdillaahi Qarshe)

 

27kii Oktoobar sannadkii 1997ka ayuu Abwaan Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Cabdillaahi Qarshe) ku geeriyooday magaalada London ee Carriga Ingiriiska, waxaana meydkiisa loo soo qaaday oo lagu aasay magaalada Hargeysa. Waxa uu ifka kaga tegay saddex ubad ah: Cawil iyo Cawo oo mataano ah iyo Wacays oo ah ka ugu yar carruurtiisa iyo hooyadood Hibo Cali Suldaan, waxaanay ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Cabdillaahi Qarshe waxa uu ku suntan yahay aabbihii fanka ummadda Soomaaliyeed, kaalin laxaad lehna waxa uu ka qaatay xaq-u-dirirkii u halgamay in Soomaalidu madax-bannaanideeda hanato, isla markaana gumeystaha caddaanka ahi uu geyiga banneeyo. Gabaygani waxa uu suntayaa sooyaalkii iyo summadihii dadnimo ee Cabdillaahi Qarshe

 

Wuxuu gabaygu yidhi:

 

Cabdillaahi waayeel in badan buu, wanaag falaye

Wax badan buu xornimada u halgamay, uu dhib waajahaye

Wadankiisa gabonnimada iyo, waafiyaw calanka

Wax badan buu cadaawaha ka jiray, wiiqayee neceb’e

Kama-kama waryaadhaay walaal, kiiniyuu gubaye

“Ka kacaay” wax badan buu na-yidhi, “waa kanoo yimiye”

 

Wax badan buu “aqoon li’idu” yidhi, “waa iftiin li’iye”

Wax bartaay tacliintiyo, cilmigu, horumar weeyaane

Ama yidhi “ha weydayninaay, nabaddu waa hoy’e”

Wax badan buu xumaha nooga digay, oo samaha wadaye

Wax badan buu tusaale iyo talo, fiican noo wacaye

Wax badan buu hiddaha dhaqanka, iyo wabiga suugaanta

Na waraabiyoo maanso ugub, noogu shubay weele

 

Wacyi gelinna nagu doojiyiyo, weedho qaaliya-e

Waryaadhaay murtuu nooga tagay, dhaxal gashoo weyne

Fanka wuxuu ahaa kii unkiyo, waalidkii dhalaye

Misna wixii bartuu gebi ahaa, kii wax soo baraye

Hal-abuur wax garaduu ahaa, laga war qaataaye

Wakiil qaranka deequu ahaa, waayo soo jiraye

 

Nin wax gala Qarshe inuu ahaa, oo wax ku gudaya

Waryaadhaay qof soo gaadhay oo, wax uga soo joogay

Iyo ruux warkii qaba, intaba, waynu leenahaye

Kol hadduu wakhtigan mootanyuu, dunida waydaartay

Hadduu maray waddadii aakhiroo, uu wadkuna qaaday

Waxa deeqda Alla yaa arxamuu, goor kastaba u warinno

 

Waaryaadhay’se magaciisa aan, weligii guuraynnin

In wax loo baxshoo lagu xusiyo, inaynu weynaynno

Iyo wixii ka beermuu dhaliyo, warasaduu reebay

In wax loo qabtoo lagu taroon, lana wadeecaynnin

Oo wanaajinnaa buu innaga, waajibkeen yahaye

Sidaas wada ogaadoo dadyaw, qawlkan waanada ah

Isu wariya taariikhdu waa, lama ilaawaane

 

 

La soco qaybta siddeedaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso