Fariin caafimaad :Nadaafada Biyaha

fariin caafimaad biyaha warshadaysan isticmaalkooda waxa ka fiican biyaha caadiga oo daawaysan xaga caafimaad qabka bulshada iyo macdanaha ku jira waxa la ogaaday biyaha warshaduhu ay diyaariyaan aanay u fiicnayn shaqada kalyaha aadamiga marka la barbar dhigo biyaha caadiga ah
Biyahu waa noolasha aadamiga mar kasta caafimaad qabkeena iyo shaqada ka socota habdhiskeena ilaahay inoo abuuray waxa uu ka samaysan yahay 70% biyo iyadoo shaqada ka socota aanay ka maarmin biyo nadiif oo uu helo aadamuhu waxa loo baahan yahay in aynu markasta ilaalino ilaha aynu ka helo biyaha nadaafadoda sida ceelasha harooyinka barkadah waa in aynu sidoo kale ilaalina nadaafada weelka aynu ku shubano biyaha sida foostooyinka caagadaha iyo taangiyada taas oo kor u qaadaysa fayadhowrka noolasha aadamiga

Looma baahna in aynu ku ag maydhno maryeehena ama ku ag saxaroono ilaha aynu biyaha ka helo sida ceelasha baliyada barkadaha

Waxa kale oo xusud mudan in aynu si gaar ah ula hadalo ganacsatada dib u iibiya caagadaha iyo foostooyinka ay ka dhamaadeen suunta warshadaha furshaanta laga sameeyo oo ah sun aad u khatar ah oo waxyeelo halis caafimaad daro ku sababi karta aadamiga markay ku shubtaan biyaha ay cabayaan ogow tani waa dambi halis caafimad oosababi kara dhimasho ilaa tafiirta dhalashada u gudbi karta arintan waxa looga baahan yahay in wasaarada caafimaadku u gudato waajibka shaqo ee ay ku leedahay wacyi galinta iyo dabagalka warshadaha furshaanta foostooyinka ay ka isticmaalan halka ay geeyan si ,looga badbaadiyo
Bulshada

Ugu dambayn waa in aynu ilaalina nadaafada biyaha Iyo ilaha ay inoo soo maraan madama oo aynan ka maarmin noola sheenuna ay ku xidhan tahay biyaha

Advertisement

Ku Xayeysiiso