Diyaarad Ay Israa’iil leedahayAyaa lagu Soo Riday Gantaal Suuriya Laga Soo Ganay.

(Toggaherer)-Diyaarad Ay Israa’iil leedahayAyaa lagu Soo Riday Gantaal Suuriya Laga Soo Ganay.

Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil ayaa burburtay xilli la ganay gantaal nooca lidka diyaaradaha ee ay Suuriya leedahay kaddib markii diyaaraddu ay fulisay weerrar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay gudaha waddanka Suuriya, waxaa sidaas sheegay milateriga Israa’iil.

Diyaaradda F-16 ee Israa'iil ayaa ku burburtay meel u dhaw tuulo ku taalla waqooyiga Israa'iil

Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa iyagoo badqaba baarashuut kaga booday diyaaradda kaddib markii ay ku burburtay waqooyiga Israa’iil. Isbitaalka ayaana markii dambe la dhigay.

Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil. Diyaaradahaasi aanay cidina wadinna markii dambe waa la horjoogsaday.

Bayaan ka soo baxay milateriga Israa’iil ayaa lagu sheegay in “diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay horjoogsatay diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan leedahay oo laga soo kiciyay Suuriya kuna soo xadgudubtay Israa’iil.”

Waxa uu bayaanku intaasi ku daray in diyaaraddaasi durbadiiba la ogaaday “aadna loola socday ilaa laga hor istaagayba.”

Diyaaradda aanay cidina wadin ayaa waxaa lagu soo riday gudaha Israa’iil, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka ciidammada Israa’iil, Janaraal Ronen Manelis.

Advertisement

Ku Xayeysiiso