(Toghaerer)-USA: Congress-ka oo Ansixiyay Miisaanad Cusub


Senetka Mareykanka ayaa markii hore u codeeyay dib u furidda shaqada dowladda federaalka ee miisaaniyadda.
Sharci dejiyayaasha ayaa ku codeeyay 71 oo haa aheyd iyo 28 oo maya tiri, horraantii Jimcaha. Taasi waxay keentay in shaqadii dowladda dib loo billaabo.
Aqalka wakiillada, ayaa iyaguna raacey waddada senetka ka hor inta aanu waaga beryin, Jimcihii. Sharcigan cusub ayaa loo dirayaa madaxweyne Trump si uu u saxiixo.