Haweenay isa soo miidaamisay oo isku qarxisay dugsi ku yaal Ciraaq

Haweenay isa soo miidaamisay oo xidhnayd suunka ismiidaamiyaha ah ayaa maanta ka dhacay iskuul aanay ardayi joogin oo ka tirsan degmada Tarmiyah oo waqooyiga Baqdaad.

Madaxa howlgalada Ciraaq, Major General Jalil Al-Rubaie, ayaa sheegay in kadib markii ay heleen sirdoon la xidhiidha ismiidaamiyahan ayna hareereeyeen uu is qarxiyay si aanu ugu dhicin gacanta bilayska.

Al-Rubaie ayaa intaa ku daray in ay qorsheyneysay in ay isku qarxiso mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ee Ciraaq, howlgalkuna uu waxyeelo u geystey iskuulka iyada oo aan wax dhibaato dad ah geysan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso