Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti

Muqdisho, 7, Feb 2018—-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, kadib kulan gaar ah oo xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku dhex maray Guddoomiye Yarisow iyo Safiirka Jamhuuriyadda DJabuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan.

Mudane Cabdiraxmaan Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo laga duulayo xiriirka soo jiraanka ah ee ka dhexeeya labada dalka ee walaalaha ah in dhowaan ay booqasho ku imaan doonto Muqdisho Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, booqashadan ayaana sii xoojin doonta xiriirka iyo wada shaqeynta labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Dalka Djibuti kaalin mug leh ayuu ku leeyahay horumarka ballaaran ee ay higsanayaan ummadda Soomaaliyeed. Muqdisho waxaa dhowaan noogu imaan doonta Duqa Caasimadda Jabuti oo booqashadeedu sii xoojin doonto xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada Caasimadood ka dhexeeya”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng Yarisow.

Safiirka Jamhuuriyadda DJabuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan waxa uu guddoomiyaha uga mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo tilmaamay in Muqdisho u tahay meel kamid ah dhulkiisa, isla markaana uu kala shaqeynayo maamulka gobolka Benaadir horumarinta Caasimadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso