Ma run baa, Boolisku waa saaxiibka bulshada?

Ma run baa, Boolisku waa saaxiibka bulshada?

 

Marka aad maqasho Boolis, maxaa maskaxdaada ku soo dhacaya akhriste?

 

Boolis… Boolis… Boolis, waa magac raadayn ku leh maskaxdeenna. Qof walba dhan buu ka istaagi karaa haddaynu bulshadeenna u bandhigno, inay qeexid ku sameeyaan Boolis. Haa, ma jirto cid si isku mida u qeexaysa Booliska.

 

Waxa aynu saaraynaa, qeexidda saxda ah ee adduunku ku macneeyaan Booliska, si aan isula helno wuxuu Boolisku yahay iyo shaqada uu qabto. Bal ila eeg macnaynayaashan kala geddisan:

 

  • Boolis, waa qayb dadka ka mida, oo ka shaqeeya xoojinta sharciga, dabagalka danbiyada iyo xabbisidda. Learners Dictionary
  • Boolis, waa hay’ad mas’uuliyaddeedu tahay, ilaalinta dadka iyo hantida. Dadka ku haga u hoggaansanka sharciga, oo dabagala/baadha danbiyada, isla jeerkaasna xabbisa ciddii danbiile ah. Cambridge Dictionary
  • Boolis, waa xoog bulsheed, oo mas’uuliyaddoodu tahay ka hortagga iyo ilaalinta danbiyada, isla markaana dayactira cabashada bulshada. Oxford Dictionary

 

Intan oo qaamuus ahi waxay inoo tabinayaan cidda ama waaxda ay yihiin Boolisku. Waana salka erayga fahan ee Boolis iyo macnihiisa. Bal haddaba, Booliska maxay shaqadoodu tahay?

 

Booliska shaqadoodu waa:

 

  1. Ilaalinta iyo fulinta sharciga si dhexdhexaad ah, sidoo kale, ilaalinta nolosha, xorriyadda, hantida, xuquuqda aadanaha, iyo sharafta xubnaha dadweynaha.

 

  1. kor u qaadidda iyo ilaalinta amarka bulshada.

 

  1. Ilaalinta amniga gudaha, si looga hortago oo loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa argagixisada, difaacidda wada-noolaanshaha, hawlaha xagjirka ah iyo xaaladaha kale ee saameeya ammaanka gudaha.

 

  1. Ilaalinta hantida dadweynaha, sida: waddooyinka, buundooyinka, qalabyada asaasiga ah ee la wada leeyahay iwm. Sidoo kale, ka hortagga falalka kharriban, rabshadaha iyo nooc walba oo weerarro ah.

 

  1. Ka hortagga danbiyada iyo yaraynta fursadaha kommiishanka danbiyada, iyadoo loo marayo tallaabiynkooda ka hortageed iyo kaalmadooda iyo la shaqeynta hay’adaha kale ee khuseeya fulinta tallaabooyinka loogu talagalay ka hortagga dembiyada.

 

  1. Waxay abuuraan oo ilaaliyaan dareenka amniga bulshada dhexdeeda, iyo illaa iyo inta suurtogal ah in laga hortago isku dhacyada iyo kor u qaadidda naxariista.

 

  1. Waxay u sahlaan dadka iyo baabuurtaba dhaqdhaqaaq habboon. Waxay kala hagaan baabuurta iyo waddooyinka waaweyn.

 

Akhristeyaal, shaqada Booliska halkan kuma soo wada koobi karno, waxaan se jeclahay inaan si taxane ah idiinku soo gudbiyo, si guud, shaqada Booliska iyo kaalintooda, shaqada ay innaga inoo qabtaan kuweennu iyo isbarbar-dhig kooban oo ku aaddan Booliskeenna iyo anshaxa Boolis ee adduunka u yaal. Innaga oo kala soo dhex baxayna shaqooyinkooda aynu kor ku soo xusnay.

 

La socod wanaagsan…                                Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

Advertisement

Ku Xayeysiiso