Labo Duuliye Oo isku Dhex Dagaalay Diyaarad Hawada ku jirta.

Hargeysa(Toggaherer)-Labo Duuliye Oo isku Dhex Dagaalay Diyaarad Hawada ku jirta.

Shirkadda diyaaradaha ee Jet Airways ayaa hawshii ka joojisay labo ka mid ah duuliyeyaasheeda oo la sheegay in ay isku dhex dagaaleen shirka ama qaybta hore ee diyaaradd laga wado.

Diyaaradda waxaa saarnaa 324 ruux oo labo dhallaan ah ay ku jireen

Diyaaradda ayaa ka soo kacday magaalada London kuna sii jeeday magaalada Mumbai marka ay arrintaasi dhacday.

Jet Airways ayaa xaqiijisay in “is fahan la’aantaasi” ay dhacday habeenkii sannadka cuusub ayna dhex martay duuliyeyaasha.

Waxay intaas ku soo dartay in duuliyeyaashii hawshaas ku lugta lahaa shaqadii duulimaadyada laga joojiyay baaritaanna ay sugayaan.

Diyaaradaas waxaa saarnaa 324 oo rakaab ah waxayna iyadoo badqabta cago dhigatay magaalada Mumbai.

Sida ay warbaahinta Hindiya oo dad goob joogeyaal ah soo xiganaysa ku warrantay, dhacdadan ayaa timid ka dib markii duuliye nin ah uu dhirbaaxay duuliye kale oo dumar ah.

Haweenayda ayaa qaybta hore ee diyaaradda ka soo baxday xoogaa ka dib ayayna dib ugu laabatay qaybta diyaaradda laga wado.

Afhayeenka Jet Airways ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dhacdadan ay jirto balse faahfaahin kama uusan bixinin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso