Skip to content
  • Home
  • Wararka
  • Waraysiga Khaaska ah
  • Rayiga Dadweynaha
  • Diinta
  • About Us
  • Contact Us

Links

Bookmarks

  • Hadhwanaag
  • Maroodijeexnews
← Gudaha Ka Eeg :Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Culus Oo Ka Socday Daneeyayaasha Beesha Caalamka Ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland .
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay sameynta dallad dhaqaale oo ay ku mideysanyihiin dalalka Geeska Afrika →

Wuxuu ka baxsaday Ameerika waxaana loo ogolaaday inuu magan galyo ka helo Kanada Dad ayuu Gaadhi Jiidhsiiyey Askarina Waa uu Tooriyeey!!!!

Published on October 5, 2017 by Magan

Soomaaliga Ku Eedeysan isku dayga Dilka Canada wuxuu sugayay in laga Tarxiilo Mareykanka.

Masuul Maraykan ah ayaa sheegay in Ninkii Soomaaliga ahaa ee lagu eedeeyay inuu fuliyey Gaadhi Jiidhsiin iyo nin askari ah oo uu tooriyeyey Magaalada  Edmonton ee Gobolka Alberta Canada, ayaa ah Nin lagu xidhay dalka Mareykanka waxaana uu sugayay in la tarxiilo ka hor inta uusan magangelyo ka doonin Canada.

Cabdullahi Xasan Sharif  oo 30 jir ah ayaa waxaa lagu soo oogay  in uu tooriyeey nin bilays ah habeenkii Sabtida isaga oo ku dhuftay Dhawr Tooriyood Bilayska ayaa sheegay in uu cararay ka dibna uu kaxaystay  gaadhi wuxuuna jiidhsiiyey afar qofood isagoo isku dayay inuu baxsado.

Shariif ayaa lagu xidhay Maraykanka muddo afar bilood ah 2011-kii, ayuu yidhi afhayeenka hay’adda Socdaalka Mareykanka Loren Mac.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in amar lagu bixiyay in loo mastaafuriyo Soomaaliya laakiin waxaa lagu sii daayay amar ilaalin 23-kii November, 2011-kii Waxaanay intaa ku dareen inuusan haysan rikoodh dembi ah markii ay la kulmeen Waaxda Socdaalka.

Wasiirka Ammaanka Dadweynaha Canadian Ralph Gudel ayaa sheegay in Sherif uu magangelyo ka codsaday xuduuda Canadian-ka markii uu ka tallaabay xuduuda 2012-kii waxaana uu helay aqoonsi qaxooti sannadkaas kadib.

Bilayska Canada ayaa sheegay in mar la baadhay  laba sano ka hor markii uu soo kiciyay fikrado xagjirnimo ah laakiin mas’uuliyiintu ma aysan ka fikirin u halis yahay.

 

Marlene DeGrand oo ah kaaliyaha taliyaha bilayska Canada ayaa sheegay in baadhitaan faahfaahsan sannadka 2015 aysan helin caddayn ku filan oo lagu soo oogi karo eedeymo.

Taliyaha Bilayska Edmonton Rod Kinchet ayaa sheegay In Gaadhiga Shariif-ka Ay ka heleen Calanka Kooxda Daacish.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso


© 2011–2026 ToggaHerer. All rights reserved | Website designed by Ramaas Software