Gudaha Ka Akhri : Wasiirka gaashaandhigga Iran: Dib uga Noqon Mayno horumarinta gantaalaha

Wasiirka Cusub ee Difaaca Iran Amir Hatemi, ayaa Axaddii sheegay in Tehran aysan ka laaban doonin qorshaheeda horumarinta Gantaalada, waxaana uu ku nuuxnuuxsaday in ay doonayaan in ay faragalin ku sameeyaan arrimaha wadamada deriska ah iyagoo hoosta ka xariiqay “taageerada xulafada gobolka”.

Iran waxa ay furtay dagaal laba geesood ah Mid Miltari iyo diblomaasiyadeed.

Dhinaca Dublamaasiyada Wasiirka Gaashandhiga ee dalka Iran ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Milatari ee kala dhaxeeya labada dowladood ee Suuriya iyo Ciraaq.

“Iran waxa ay hub u dirtay si ay uga caawiso ugana hortagto dagaallada iyo colaadaha,” ayuu Khatami yidhi, isaga oo tixraacaya istiraatijiyaddiisa dalkiisa ee khasaare soo gaadhay faragelinta milatari ee Iran ee Bariga Dhexe, gaar ahaan Suuriya iyo Ciraaq.

Dhinaca Milatari Iran ayaa shaaca ka qaaday in ay tijaabisay “Power 373” oo ah gantaal ka hortaga Sawaariikhda, kaas oo ay sheegay in uu la mid yahay ka Ruushka S-300 , in kasta oo Moscow u aragto wax aan macquul ahayn sida uu qabo khabiirka iyo agaasimaha Xarunta falanqaynta ganacsiga hubka ee caalamiga ah, Igor Koruchenko.

Geesta kale Taliyaha Difaaca Cirka General Farzad Ismailya ayaa xaqiijiyay in ay xoojinayso awoodooda Sawaariikhda ballistic.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso