Wasiir Cabdiqadir Dhagaweyne, Wasiir Kas-badey Qaranka iyo Beeshiisaba, Leh Karti Iyo Aqoon, Hanana Kara Quluub Dowladda iyo Shacabka. ————.

Gobanimadu Waa Shay Asliya, Iib-na Lagu Waaye.
“Shaki kuma jiro inuu waxbadan qaban doono” Wasiir C/qadir M. Sheekh  (Dhagaweyne).

Waayo Baabaco Cad-ceed May Qarin, Waa Maya. Sidaa darteed wax qabad muuqda ayuu ku talaabsaday mudadii koobnayd ee uu hayay xilka Wasiirnimo oo aan la dafiri karin, cid qarin kartaana aanay jirin.

 

Iyadoo laga joogo xili yar uun mudada uu hayay xilka wasii-nimo, mudane Cabdiqadir Dhagaweyne  ayuu hadana ku talaabsaday waxqabad la taaban karo. isagoo ugu horeyn mideeyay reerka uu ka soo jeedo. Waxaanu isla markiiba ku kacay qabashada shirar is daba jooga oo lagaga hadlayay masiirka siyaasadeed ee reerka. Ku darsoo iyadoo aanay jirin indhawaalaba cid isku keenta shirisana reerka oo gaabkaasi banaanaa. Ciladda ugu weynina ay ahayd in la waayay cid jeebka gacanta galisa iskuna hawsha sida uu hadda ugu tafo xaytay hawlaha reerka. Waayo hortii waxa dhici jirtay iyadoo qof waliba uu jeclaa isku keenka reerka ayaa hadana waxa aan layska indho tiri-karin qodobada hortaagnaa oo ay ugu weynaayeen laba qodob:

  1. Hogaanka siyaasiyiinta reerka oo aan hamigaasi kuba jirin, jecleyna cid isku timaada oo ka hadasha masiirka siyaasadeed ee reerka. Iyadoo ay jirto goldoloolooyin siyaasadeed oo badan sababteeda ay iyagu leeyihiin &
  2. Marka la gaadho jeebka oo gacanta la galiyo ayuunbaad hareerahaaga ka waayaysay dadkii tubnaa. Waxaanad ku war helaysay iyagoo qaarna  ka sii laabayaan isha boorame halka qaarna ay ka sii laabayaan dhakhtarka weyn dabadiisa. Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

Magacaabista Wasiir Cabdiqadir Dhagaweyne oo ku soo beegantay xiligii ugu mudnaa looguna baahida badnaa.  Waayo waxa jirey gaab siyaasadeed & is fahan la’aan u dhexeysay xukuumadda, xisbiga talada dalka haya ee kulmiye & reerka ( Abokor Muuse) oo khilaaf xooganina u dhexeeyo. Iyadoo tabashadii reeeku keentay is casilaadda laba masuul oo reerka ahi.

Cidda sababtay inuu gaab & kala fogaansho soo kala dhex-galo reerka, xisbiga kulmiye & xukuumadda waxa sababteeda  lahaa madaxdii reerka oo noqotay fadhiidh & kuwo aanu kuba jirin qorshahooda hogaamineed ee xaga siyaasadda.

Iyagoo reerkina ku go’doomiyay meel cidlo ah, oo tahli-kari waayay inay ka shaqeeyaan isu soo dhawaanshaho dhex yimaadda reerkaa go’doonka siyaasadeed ku dhacay & xukuumadda + xisbigeeda.

Hadaba waanu ku hambalyaynaynaa Wasiirka ka shaqaynta  isu soo dhawaanshaha xukuumadda + xisbigeeda + reerka  & midaynta Ardaayada Abokor Muuse. Oo siyaasiyiintii ka horeysay Wasiir Cabdiqaadir ku rideen go’doon siyaadadeed. Taasina keentay kala fogaansho dhex yimaadda isla reerka oo xaalkoodu noqday layskuma ciirsasho.
Waxa kale oo uu Wasiirku ka hawl-galay mudadii koobnayd ee uu hayay xilka Wasiirnimo mudane Cabdiqaadir Dhagaweyne. Inuu ku Guulaystay inuu dib u bilaabo xidhiidhinta  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo beesha Ciidagale oo Mujaahid Muuse biixi Cabdina kalsooni Galisay.

Waayo Madaxda Reerka ee xisbiga iyo xukuumaduba iyagaa is wada hayay oo aan is arki karayn.
Waana Markii ugu horaysay taariikhda  ee Madaxda dawlada & ta xisbiga kulmiye ee beeshu ay si wada jira hawlaha xisbiga iyo ta reerkaba laga wada socdo.
Iyadoo arinkaasi galiyay gud. xisbul xaakimka kulmiye. Muj. Muuse biixi Cabdi inuu ku dhiirado bilaabidda la kulanka Ardaayada beelaha Ciidagale isagoo ula kulmaya mid mid    iyo xasarad la’aan.

 

Waxa ka mid ahayd murtidii & suugaantii toolmonayd ee Xaaji Aden Af-qalooc alle haw naxariistee mar uu tilmaamayay xurmada ay mudanyihiin dadka ku suntan horumarinta bulshadooda ayaa waxa uu yidhi:-
. Dadka kale ninkiisii wax tara way tamadiyaane.
. Idinkuna caqliqa taamudka waad ku tumataane.
. Tartar baad ka dhaaftaan ninkii toos idiin wada”e.

 

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii: Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso