Maxaad kala socotaa in dawlada Qatar ?? ay rabto kuna hawlan tahey in amaanka Somaliland ay khalkhal galiso. ? W/Q Mohamed Abdirahman Aden (Eng: Germany)

Maxaad kala socotaa in dawlada Qatar ?? ay rabto kuna hawlan tahey in amaanka Somaliland ay khalkhal galiso. ?

W/Q Mohamed Abdirahman Aden (Eng: Germany)

Sida guud dawlada Qatar waxaa lagu eedaynayaa inay maalgaliso ururada argagixisada caalemka ee khal khalka iyo dhibaatada ku haya bulshada islaamka ah ee daafaha dunida ku nool isla markaana magaca ka dilay haybadii guud ee islaamka .

Dhanka Somalida geeska africa ku dhaqan gaar ahaan dalka Somalia waxaa halakeeyey dhibaato ba.ana ku haya ururada argagixisada ah ee ka dagaalama Koonfurta Somalia sida (Al-Shabaab) oo mudo 10 sano ah ka dagaalameysa isla markaana jiif iyo joog ba u diiday shacabka masaakiinta ah ee ku dhaqan koonfurta Somalia iyo bariga Somalia oo ay 5 sano ka hor laga sameeyey qaybo kamid ah ururkaas dhiigo cabka ah Oo waliba xidhiidh dhaw la leh ururka Daacish ee haatan bariga dhexe iyo wadamada islaamka dhibaatada ku haya.

Xogo dhawaan la baahiyey ayaa cadeynaya Dawlada Qatar inay maalgaliso ururka al-shabaab ee umada somalia ku dhaqan dhibaatada ku haya waxaana cadeyn u ah in dawlada Qatar ay dhawaan baahisay in sida ugu dhakhsaha badan ay u heshiisiin doonto dawlada Somalia iyo ururka al-shabaab al-shayaadiin maadama ay dawlada somalia ka hor timid cunaqabateynta dalalka khaliijku ay ku soo rogeen dalka Qatar.

Dawlada Somaliland ayaa iyadu la safatey dhanka xulufada ka dhanka ah dawlada Qatar. isla markaana shaacisay in ay taageero buuxda la garab istaagidoonto xulifada uu hogaaminayo dalka Saudi Arabia

Go.aanka ay Somaliland qaadatey waxaa si wayn uga cadhootay Dawlada qatar  isla markaana warbaahinta  al jaziira ee laga leeyahey dalka Qatar ayaa baahisay talaabookinka ay qaadi doonto Qatar waxaanu ka mid ahaa qodobada ay sheegtay in dagaalo hor leh ay ka bilaami doonan Somaliland gudaheeda sababtana may sheegin. balse waxa laga dheehan karaa inay jawaab u tahey go.aanka adag ee ay Somaliland qaadatey kagana mabnuucday hawadeeda diyaaradaha Qatar airlines oo hawada Somaliland isticmaalayey ilaa intii cunaqabateynta ay ku soo rogeen wadamada khaliij-ku .

Hada waxaa muuqatey Oo soo shaac baxeysa in durtaba dawlada Qatar ay bilowday faro-galin ta amaanka Somaliland waxaana laga soo sheegayaa deegaanada bariga Somaliland gaar ahaan gobolka sanaag inay soo galeen kooxo argagixiso ah oo (al-shabaab al-shayaadiin) ka tirsan tiradoodana lagu qiyaasey ilaa 80 nin Oo hubaysan oo sahan ah socodna ku soo marey degmada haadaaftimo ee bariga sanaag iyagoo u siijeeda dhanka magaalada ceerigaabo ee caasimada gobolka sanaag .

warkana waxaa xaqiijiyey dad ku dhaqan deegaankaas ay lugta ku
Mareen ee haataaftimo Oo 88km dhanka bari ka xiga magaalada ceerigaabo. ragaas hubaysani Sida la sheegayo Waa sahan oo ciidamo kale oo ay kaga imaadeen degaanada bariga ee gobolada puntland ee buuraha galgala ayey hor dhac u yihiin . xogo kale Oo aan helay waxey tibaaxayaan in ay ku wajahan yihiin budhcadaa hubaysani deegaanka beer ee bartamaha gobolka togdheer

Budhcadaa sahanka ahi iyaga oo marwalba ka taxadiraya in bulshadu aragto muuqooda isla markaana aan adeeg saneyn wax gaadiid ah lug-na ku maraya dhulka qarfaha ah ee aaney dadku inta badan daganeyn sida dooxyada dhex dooda iyo silsiladda buuraha golis ee inta badan aan deegaanka aheyn . ujeedada ugu muhiimsan ee at u socdaana Waa sidii looga dhex abuurilahaa deegaanada dalka Somaliland nabad galo daro iyo weeraro gaadmo ah si  dagaalo sokeeye looga qarxiyo dalkeeno hooyo markaana ay ka faaidaystaan bulshada nidaamka qabaailka ku dhisan ee dagan Somaliland Sida ay dalka Somalia u uga faaidaysteen Oo kale .

Allah Amiin Ma Iisho. Ilaahey yaaneynu ka magan galnay fidnada ehlu naarka kibray ee ku xamidiwaayey nimcada Allah SWT siiyey danihiisa gaark ah na ka dhex raadinaya umad islaam ah oo uu fidno dhex dhigo.

Fiiro gaar ah :
Dhamaan Shacabka reer Somaliland xukuumad iyo axsaab qabaail iyo deegaanba inay gacmaha is qabsadaan meelna uga soo wada jeestaan argagixisada weerarka ku soo ah dalkeena hooyo•
Allah mahad leh
#Eagle_Eyes
Eng-Mohamed Germany

Advertisement

Ku Xayeysiiso