Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 22aad Fadliga masaajidka (2)

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 22aad

 

Fadliga masaajidka (2)

Waxa laga warramaa maalinta qiyaame ee bacadka la taagan yahay sida oo kale cadceedda la soo dhaweeyo ilaa qof kastaa uu is moodo in foodda ay u taagan tahay in uu jiro mid aan cadceeddaa iyo kulaylkaa laga cabanaya aan dareemin ba, haa todobada maalintaa loo hadheyey waxa ka mid ah qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka,  markaa waa ku adi.

Ganacsigu shaqo la qabto waa ta ugu mashquulka iyo halleelka badan, xilli gooni ahna aan lahayn se shaqo furan xilli walba ah, taa soo qofka in uu Alle SWT u cibaadaysto xilliyada cibaadada inta badan ka mashqulisa, oo uu is arko uun iyadoo salaaddii ba laga soo baxay, se waxa jira qaar iyagu masaajiddana camira salaadahana ka adkaada, eeg aayadda Alle leeyahay, “Guryo lagu xuso magaca Alle gelin hore iyo gelin dambe ba, rag aanay ganacsigoogu iyo iibkoogu ka mashqulin xuska Alle.”

Xoogaaga adduun ee lagu siiyey waa mid lagugu eegayo sida aad ku samayso, maalinta qiyaame na waxa lagu warsan doonaa xoolaha halkaad ka keentay iyo halkaad ku bixisay. Wax kastood hor mariso oo xoolahaaga ahna iyada oo ka khayr badan baad heli siduu Rasuulku CSW sheegay, “Qofka Ilaahay u dhisa masjid, Allena guri buu uga dhisa jannada.” Eeg abaalka degdega ah ee ku soo noqday durba. Adiga un baa wax is taraya hubaashi.

Xilligii Rasuulka CSW, iyo xilliyadii Saxaabada, Taabiciinta iyo intii ka dambaysay ba Masaajidku wuxu ahaa goob shaqooyin badan qabta, wuxu ahaa xarunta looga taliyo ummadda Muslimiinta, ee ay ku oogaan salaadahooga, sida oo kale wuxu ahaa xafiiskii Rasuulku CSW fadhisan jiray ee uu wax ku maamuli jiray, sida oo kale wuxu ahaa goob aqoon korodhsi oo wax lagu baran jiray oo Rasuulka CSW wax lagaga baran jiray.

Masaajidku wuxu ahaa jaamacad shacbi ah, oo albaabkeedu furan yahay gu’ iyo jilaal, lana kala aqoon dayr iyo xagaa, la kala saarin rag iy dumar, la kala soocin da’ wayn iyo da’ dhexe, lagu barto diinta, lagu ogaado aqoonta dheefta, lagu dhiso akhlaaqda iyo dad la dhaqanka, naftana lagu edbiyo, sida oo kale lagu soo saaro kii hoggaamin lahaa ummadda.

Wuxuna masaajidku ahaa hoygii jaamacadaha, waayo inta jaamacadood ee hirgashay qaarkoodna ilaa maanta shaqeeyaan waa kuwii asaaskoodu ahaa masaajidka sida As-harta Masar, jaamacadda Saytuuniya ee dalka Tuunis.

Maanta in lagu soo koobo uun salaadaha may ahayn, dhaqankii wanaagsana ee laga dhaxlay Rasuulka CSW iyo intii raacday habdhaqankiisi, hase ahaate markii maskaxada layska soo guumaystay ee layska soo itaal roonaaday ayaa sidaa laynoogu soo arrimiyey.

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso