Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somalialnd Oo Faahfaahiyay Ujeedada Safaroo Uu Ku Marayo Dalalka KENYA Iyo RWANDA + Sawiro

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalah Dawladda Mudane Sharmaarke Geele ayaa faahfaahiyay ujeedada safaroo uu marayo dalalka KENYA Iyo RWANDA, Waxaanu yidhi

“ Waxaanu mudooyiinkii u dambeeyey safar shaqo ku joognaa dalalka Kenya iyo Rwanda, halkaas oo aan dedaal ugu jirno sidii ay xirfad iyo xidhiidh wadaag u wada yeelan lahayeen machadka tababarka shaqaalaha dawlada Somaliland “CSI” machadyada Kenya School of Government “KSG” iyo Rwanda Management Institute “RMI” , talaabadan ayaa shaqaalaha dawlada u horseedi doonta machad tayyo le isla markaana machadka shaqaalaha dawlada u abuuri doonta hal-beeg iyo hiigsi cusub. ka sakow xulashada shaqaalaha, tayeyntooduna waa mudnaanta koobaad ee yoolka u ah hay’adda shaqaalaha dawlada CSC ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Sharmaarka Geelle

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso