Xisbiga KULMIYE Oo Agab-ciyaareed Loogu Talo-galay Tartannada Bisha Ramadaan Ku Wareejiyey Gobollada Sool Iyo Xaysimo

Hogganka xisbiga KULMIYE, ayaa agab ciyaareed loogu talo galay kooxaha kubadda cagta ee ka qaybgalaya tartannada kubadda cagta bisha barakaysan ee Ramadaaanta ee gobollada Sool iyo Xaysimo ku wareejiyey isu-duwaha wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee gobolka Sool Md. Fu’aad Axmed Cali.
Agabkan xisbiga KULMIYE ugu talo galay kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan gobollada Sool iyo Xaysimo, ayaa munaasibaddii lagu wareejinayey oo lagu qabtay xarunta garabka dhalinyarada ee xisbiga KULMIYE maanta, waxana ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde, madaxda garabka dhallinyarada, isu-duwaha wasaaradda Ciyaaraha ee gobolka Sool Md. Fu’aad Axmed Cali iyo masuuliyiin kale.
Ugu horrayn guddoomiyaha garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ay ka go’an tahay dhiirrigelinta da’yarta iyo abuuritaanka jawi keeni kara inay dhallinyaradu is-dhexgasho oo is barato.
Guddoomiye Cabdi-najax waxa uu ugu baaqay dhallinyarada ka qaybgelaysa tartannada kala duwan ee bisha Ramadaan, gaar ahaan gobollada Sool iyo Xaysimo ee maanta agabkooda lala kala wareegay inay dhawraan akhlaaq-wanaagga, una hoggaansamaan awaamiirta cidkasta oo maamulaysa ciyaaraha.
Isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool Md. Fu’aad Axmed Cali oo ka hor intii aanu agabkan la wareegin madasha ka hadlay, ayaa xisbiga KULMIYE uga mahadnaqay sida hagar la’aanta ah ee uu dhallinyarada u garab taagan yahay, waxana uu da’yarta ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan adkaynta ammaanka garoomada lagu ciyaari doono.
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde oo isagu agabkan si rasmi ah u wareejiyey, ayaa sheegay in deeqdani tahay mid uu xisbigu ugu talo galay dhallinyarada dalka, isaga oo baaqna u diray da’yarta tartamada ka qaybgelaysa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Agabkan waxanu xisbi ahaan ugu talo galnay tartannada ka socda gobollada Bariga dalka, waxana ay kamid tahay tallaabooyinka aanu xisbi ahaan la garab taaganahay da’yarta, waxana aan ugu baaqayaa dhallinyarada inay si fiican agabkaas uga faa’iidaystaan.”
Ugu Dambayntii waxa guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Xuseen Aadan Cadde uu si rasmi ah agabkaas ugu wareejiyey isu-duwaha wasaaradda Ciyaaraha u qaabilsan gobolka Sool Md. Fu’aad Axmed Cali, kaas oo ballan ku qaaday inuu sida ugu dhakhsaha badan u gaadhsiin doono garoomadii loogu talo galay.
Agabka uu xisbiga KULMIYE ku wareejiyey gobollada Sool iyo Xaysimo, ayaa ka kooban Diraysyo, kubaddo, Billado iyo koobab la siiin doono kooxaha tartanka kubadda cagta ee bisha Ramadaan ku dhex mari doono garoomada ku yaalla gobolladaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso