Xeerka Saamiga Kootada Ka Qayb-Galaan Siyaasada Dalka Iyo Golayaasha Qaranka In La Ansixiyo Waxa Wax Diiday Gudoomiyaha Barlaamaanka Somaliland?

Xeerka Saamiga Kootada Ka Qayb-Galaan Siyaasada Dalka Iyo Golayaasha Qaranka In La Ansixiyo Waxa Wax Diiday Gudoomiyaha Barlaamaanka Somaliland?

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Hawl-Wadeenada Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Mudan Bacdal Salaan, Waxa Qalinka Igu Kalifay Maanta Inaan Qalinka Iyo Buuga Isku Keeno Qormadan Ama Maqaalkaygan “In Xeerka Saamiga Kootada Ka Qayb-Galaan Siyaasada Dalka Iyo Golayaasha Qaranka La Ansixiyo wax diidan Xildhibaanada xisbiga kulmiye iyo gudoomiyaha xisbiga wadani ahna gudoomiyaha barlaaamanaka somaliand

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Rag Iyo Dumar Wuxuu Siinayaa Xuquuq Siman Oo Dhinaca Xuquuqda Siyaasaddeed, Sida Uu Dhigayo Qodobkiisa 22(1) Ayaa Odhanaya “Muwaadin Kastaa Wuxuu Xaq U Leeyahay Inuu Ka Qaybqaato Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bushada Iyo Dhaqanka Si Waaafaqsan Dastuurka Dalka”.Waxa Uu Dastuurkani Caddaynayaa In Beelaha Gabooye Iyo Haweenkuba Xaq U Leeyihiin Ka Qayb Galka Siyaasadeed Dalka, Anigu Waxaan Soo Jeedin Lahaa Xisbi Kastaa Wuxuu Barnaamijkiisa Siyaasaddeed Ku Darsan Karaa Saamiga Ay Haweenku Ku Yeelanayaan Xukumadiisa. Waxaa Kale Oo Xisbi Kasta Ba Lagu Caddaadin Karaa Inuu Cadeeyo Saamiga Ay Dumarku Ku Yeelanayaan Murashaxiintiisa Goleyaasha Baarlamanka Iyo Deegaannada.

Gunnaanad. Waxan Ku Soo Gunaandii Lahaa Qoralkaygan Beelaha Laga Tirade Badan Yahay Iyo Dumarka La-Taageero Oo Laga Taageero Sidii Golahayaasha Qaranka In Laga Siiyo Kuraas Kooto Iyo In Laga Qayb Galiyo Dhammaan Laamaha Dawlada Iyo Komishan Madax Banana Ee Dalka, Waxay U Bahan Yihiin Hiil Qaran Oo Ay Uga Baahan Yihiin Laamaha Dawlada Sida Golaha Sharci-Dejinta ,Garsoorka, Golaha Fulintiyo Xisbiyada Qaranka In Laga Taageero Sidii Loo Ansixin Lahaa Xeerka Saamiga Dadka Laga Tirade badan Yahay Iyo Haweenkaba Ee Ka Qayb Galka Siyaasada Dalka, Golaha Wakiilada Waxa Aan Ugu Baaqaynaa In Xeerka Kootada Dib Loo Eego Oo La Taageero Dadka Laga Tirade Badan Yahay Iyo Haweenkaba Waxa Aanu Ugu Baaqaynaa In Uu Dabagalo Ku Sameeyaan Sidii Xildhibaanadu U Meel Marin Laahyeen Xeerkan

Wabilaahi Taqwfiiq

Mohamed Abdi Jama

Mohamedudoode@Hotmail.Com

Hargeysa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso