Gudaha Ka Eeg : Gudoomiye Xigeenkii Ururka Now Oo Is casilay .

Gudoomiye ku Xigeenkii Ururka Now Marwo Yurub Abiib ayaa maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Hargaysa, Waxaanay sheegtay in ay iska casishay Xilkii Iyo Xubinimadii Ururkaasi  . .

Yurub Abiib sabab-cad oo ay ku kalifay is casilaaddan may sheegin, waxaanay u mahad-naqday dhamaan xubnihii ay soo wada shaqeeyeen .

Yurub Abiib oo la waydiiyay in ay ka bixi doonto Xisbiga KULMIYE, ayaa Calaamatu su’aal saartay ka bixitaanka KULMIYE, Waxaanay sheegtay in ay dhawaan kala cadayn doonto in ay ka baxayso Xisbiga KULMIYE Iyo In Kale .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso