Xildhibaan xilkii loo igmaday ka soo baxay kuna daray dheeraad

 

 

Xildhibaan xilkii loo igmaday ka soo baxay kuna daray dheeraad

Sidaynu lawada socon Golaha wakiilada Somaliland waxay ka koobanyihiin 82 (laba iyo sideetan) xildhibaan oo laga soo doorto dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Shaqada ay qaranka iyo bulshada soo dooratay ay u hayaan waxaa uugu mihiimsan:

  1. Inay yihiin hay’ada sharci dejinta “the sole law-making organ of the country” iyo
  2. Inay wakiil u yihiin bulshada degen deegaanka laga soo doortay oo danahooda kala shaqeeyaan, maadaama oo ay codkooda ku fadhiyaan.

Hadaba markay soo qaadano qodobka danbe kamaynaan helin xildhibaanadii aynu dooranay badidooda, Somalidu waxay ku maahmaahdaa “sidaan kuugu lisay iigu maad hambayn”. Anigoon jeclayn inaan hadalka badiyo sababtoo ah dadkeenu ma jecla akhriska, waxaan jeclaystay inaan halkan kuxuso ha xildhibaan (iyagoo qaar kalena jiri kara) oo shaqadii degaankiisa kasoo baxay isla markaana u gudbay degaamada kale ee la jaarka ah. Waa xildhibaan Axmad Diiriye Nac-Nac oo kasoo baxay xisgiga talada haye ee Kulmiye.

Xildhibaan Nacnac wuxuu kasoo jeedaa degmada Axmed-Dhegax ee Gobolka Maroodijeex, waxaanu qayb libaaxa ka qaataa horumarka kasocda guud ahaan wadanka gaar ahaann degaanka laga sooo doortay iyadoo ay tahay sax in aad horumarka degaankaaga ka shaqaysid madaama oo aad deegaankas codkiisii kufadhidid kursiga, sidoo kale wuxuu Xildhibaanku dareenka la qaybsadaa bulshadaasi, isagoo kawar qaba ka jilicsan iyo ka bukaba.

Xildhibaankani markuu degaankiisii kasoo baxay shaqadii uuga tiil wuxuu u soo gudbay degaanada la jaarka ah sida Maxamuud Haybe. Habeen dhoway ayaan daawanaayay nin uu kusoo boody gurigiisa oo kuyaal Maxamuud Haybe, ninkaasi oo ahaa Mujaahidiintii waaweynayd ee magaca kulahaa SNM lana yidha Muj: Shiine oo mudo dhar iyo toban sano ah kubukay Hargiesa, Shiine waxaa weheliya caruurtiisa iyo xaaskiisa oo maskaxda mudo dheer kaxanuunsanaa.

Mujaahid Shiine sandaq yar ayaa uugu dhisan jago yar oo uu leeyhay oo ka tirsan Maxamuud Haybe, nasiib darro cid ogayd majirin ninkaasi mudada dheer xanuunsanaayay marka lag reebo dad ehelkiisa ahaa oo itaalkooda wax taraayay.

Waxay afar habeen ka hor markaa warbaahinta ka daawaday Mujaahidka oo ka cabanaayay in sandaqadiisii wadadii hor mari jirtay dawlada hoose bixisay dhismena ka socdo oo xataa Suuligi in laga dumiyo lagayaabo. Waxaa warka gudbiyay kadib markuu u adkaysan waayay nin ay qaraabo yihiin oo sifiican fariintiisa u gudbiyay.

Waxaa maalintii labaadba u yimid Xildhibaan Nacnac kadib markuu fariintaa helay isagoo lacagna jeebkisa kasiiyay niyad wanaagna u muujiyay warbaahintana goobtaa kala hadlay. Sidoo kale xildhibaanku wuxuu ballan qaaday in uu jagadiisaa guri yar oo kufilan uuga dhisi doono.

Waxuu xildhibaanku mudanyay in billad sharaf qaranku gudoonsiiyay madaada o uu shaqadisii iyo kabadanba qabtay si ay kuwa kalena uugu daydaan.

Alla mahadle

Eng.Xamse Macalim Aadam

Advertisement

Ku Xayeysiiso