Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo lagu daahfuray Muqdisho

  

Muqdisho 6 May 2017 – Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku daahfurtay Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo socon doona muddo 3 cisho ah. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa daahfuray shirkan.

Kulankan wadatashiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Iidan Yoonis, Wasiir ku xigeenka, Wasiirada Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada sida Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdifatah Ashkir Nur, Wasiiru Dowlaha Puntland, Dahir Farah Fidow, Wasiir ku xigeenka GalMudug, Cabdikarin Maxamed Diriye iyo Madaxda Warbaahinta iyo bahda saxaafada. Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta KoofurGalbeed ayaa isagana ku soo biirey shirka duhurkii.

Kulankan Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa diirada lagu saarayey arrimo ay ka mid yihiin, Xoojinta Xiriirka & Wadashaqeynta heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Warbaahinta Gaarka loo leeyahay; Dib u eegista Xeerka Saxaafada; Dib u eegista Istraatejiyada Qaranka ee Warbaahinta Soomaaliyeed; iyo Dejinta Istraatejiyada iyo Barnaamijka Wacyi Gelinta Bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa uga mahadceliyey wasaarada warfaafinta doorkeeda soo diyaarinta shirkan wadatashiga oo muhiim u ah xoojinta xiriirka heer federaal iyo heer dowlad goboleedyada, loona baahanyahay in wadatashiyada la joogteeyo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa wasiirada Dowlad Goboleedyada uga mahadceliyey imaatinkooda, kana codsaday in la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta. Eng. Yarisow ayaa ku dheeraaday muhiimada wacyigelinta bulshada iyo sida looga baahanyahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay uga qeybqaataan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso