Gudaha Ka Eeg :Sababta Hablaha Loogu Xidho Taajka Cad Habeenka Arooska

Midabka cadi ma ahaan jirin mid lagu calaamadiyo munaasabadaha arooska waxii ka horeeyey bilowgii qarnigii labaatanaad ee ina dhaafay laakiin maryaha cadcadi waxay ahaayeen kuwo loo gashan jiray oo lagu cabiri jiray munaasabadaha tacsiyadaha.
Qarniyadii u dambeeyey dharka aroosku ma ahayn  mid ay dadku ka sinnaayeen oo dabaqadaha kala duwan ee bulshadu ay si isku mid ah habeenkaa u xidhan jireen, waxayna ahayd arin  ku xidhan  heerka nololeed ee qoysaska ubadkoodu is guursanayaan, maadaama habeenka arooska dharka taajiriintu ay lebisanayeen dhar ka samaysnaa xariir oo midabadiisuna ay aad u qurux badnaayeen, laakiin shayga ay saboolka iyo hantiilayaashu ka sinnaayeen uu ahaa in aanay xidhan jirin dhar caddaan ah marka laga reebo qaar ka mid ah dadka ku dhaqnaa Gobolka Geeska Afrika sida uu daabacay website-ka Marry Jim.
Boqoradii Scotland ee Routine ayaa u bilowday inay habluhu xidhaan taajka cad habeenka Arooska markii ay sanadkii 1559 guursatay Francis Delphine, waxana ay u xidhatay iyadoo midabka cadi u ahaa kii ay jeclayd inkastoo maryaha cadcad tacsida lagu yaqaanay.
Taajka cad ee hablaha lagu gelbiyo ayaa bilowgii qarnigii labaatanaad soo dhaafay qasriyada Boqortooyooyinka oo u soo gudbay bulshada caamka ah kuwaas oo isticmaalay, waxana marka loo eego cilmi nafsiga uu midabka cadi u taagan yahay deganaanshaha, calaamad-na u yahay xasiloonida, jacaylka iyo is dhiibitaanka, waana arinta ka dhigtay dharkaa in loo isticmaalo xafladaha arooska.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso