Xusuus Kooban: Halyeygii Somaliland Maxamed X, Ibraahim Cigaal ( Sannad guurada 15-aad)

Xusuus Kooban: Halyeygii Somaliland – Maxamed X. Ibraahin Cigaal (Sannad-guurada 15-aad) 

Qalinka: Axmed Iid Aadan 

Waagii, Alle ha u naxariisto, ee madaxweynihii hore ee Somaliland lagu soo doortay shirweynihii Boorama ee 1993-kii, dadweynaha reer Somaliland aad bay u farxeen. Waxay ku farxeen in la doortay hoggaamiye ruugcaddaa ah oo aqoon badan iyo waayo-aragnimo siyaasadeed oo meel sare gaadhsiisan leh. Waxay qabeen in uu hoggaamiyahaa cusubi dhibaatooyin badan oo dalka ka jiray xallin doono, dalkana maamul wanaagsan u samayn doono. Sidaas bay noqotay oo, Alle ha u naxariisto, ee mudane madaxweyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu xaqii u yimi isaga oo dhisay dawlad qaran oo sharaf leh iyo nidaam siyaasadeed oo isaga dabadii loo aayi doono. 

Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu yimid Somaliland oo ah meel fawdo ah oo ay meel kastaba dad budhcad ahi dadka ku dhacaan, oo aanay nabadgelyo hagaagsani ka jirin. Waa uu hagaajiyey oowaxa uu ka tegay Somaliland oo ah dal ay nabad buuxdaa ka jirto, horumar marbamarka ka danbeeya soo kordhayaa uu ka socdo, Geeska Afrikana magac ku leh. 

Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa, oo ay in badani ka warqabtaa, in uu ahaa mas’uulkii u horreeyey eedawladda Ingiriiska gacantiisa kaga saxiixa xorriyad ay cid Afsoomaali ku hadashaaqaadato tii u horreysay. Waa xorriyaddii ay Somaliland sannadkii 1960-kii qaadatay.Bishii Feebarwari ee 1960-kii ayuu, Alle ha u naxariisto, ee mudane Maxamed X.Ibraahin Cigaal qalinka ku duugay in marka la gaadho 26-ka Juun, 1960-ka aySomaliland xorriyaddeeda qaadato. Alle ha u naxariisto, ee mudane Maxamed X.Ibraahin Cigaal waxa hawshaa ku wehelinayey mas’uuliyiin dhawr ah. 

2 / 2

Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa aqoonyahankii iyo siyaasigii aragtida dheeraa ee dhisay Somaliland-tacasriga ah ee maanta. Geesigu ma aha qofka wax dumiya ee had iyo jeer qalalaasaha u taagan, ee waa qofka wax dhisa ee meel aanay waxba ka jirin wax ka soo saara waxna ka dhiga. 

Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu hawl caafimaad u tegay magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika, halkaas oo uuku geeriyooday taariikhdu markay ahayd Meey 3, 2002. Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu taariikheenna ka galay baal dahab ah, weligiina waa la xasuusnaan doonaa. Ilaahay ha u naxariisto hana ugu deeqo nimcooyinka jannada, innagana ha inaga dhigo ummad midhaha uu uga tegay ee qaaliga ah ilaalisa. 

Axmed Iid Aadan 

ahmediid@hotmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso