Gudaha Ka Eeg :Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Dalladda Dhallinyarada GURMAD oo ay ku Midoobeen Aqoonyahanka Gobollada Galbeedka Somaliland + Sawiro

Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey dalladda Dhallinyarada GURMAD oo ay ku midoobeen 10-urur oo ah aqoonyahanka gobollada galbeedka Somaliland, kuwaas oo maanta si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga.
Munaasibadda soo dhaweynta dalllada GURMAD oo lagu qabtay hutel Rays ee magaalada Boorama maanta, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Ku-xigeenkiisa saddexaad Md. Xuseen Aadan Cadde, hoggaanka garabka dhallinyarada xisbiga ee heer qaran, wasiirro ka tirsan xukuumadda, madaxda heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolka Awdal, wasiirro-wasiiru-dawleyaal xukuumadda katirsan, hoggaanka dallada Gurmad ee xisbiga la midowday salaadiin, cuqaal, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey dallada aqoonyahanka ah ee xisbiga kusoo biirtay, isla markaana lagu bogaadinayey go’aanka ay xisbiga kula midoobeen.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso