Ma og tahay inay laba kala duwan yihiiin, Hogaamiye iyo Madaxweyne; Maanta oo kale waa maalintii loo baahnaa Hogaamiye.

Ma og tahay inay laba kala duwan yihiiin, Hogaamiye iyo Madaxweyne; Maanta oo kale waa maalintii loo baahnaa Hogaamiye.

Sifooyinka Hogaamiyahu leeyahay waxaa ka mid ah:

Kursigu maaha halka uu u socdo
======
Hogaamiyuha, kursigu waxaa u yahay dariiq uu u maro is bedelo uu rabo inuu sameeyo oo isaga maankiisa ka guuxaya, kuwaas oo aanu cidna la wadaagin, qof na kala sheekaysan.
Is bedeladaasi uu rabo inuu sameeyo majirto wax dabar ah ama sharci ah oo uu kaga joogsadaa. waxaa ka go’an inuu xaqiijiyo Ujeedooyin maankiisa gadhoodha oo uu u ciil qabo inuu fulintooda.

Hanti uu urursado iyo daaro uu dhisto lagama dhaxlo
======
Hogaamiyuhu, waxaa uu aaminsan yahay, in aanu jirin sharaf ka weyn in uu ummad Hogaamiyaa, Magac na intaasaa ugu filan lagama yaabo Hogaamiyuha in laga dhaxlo wax aduun ah ama daaro ah oo uu leeyahay.

Dadka uu hogaaminayaa uma kala dhawa, mana kala xigaan.
=====
Hogaamiyhu, waxaa uu aamin san yahay, inta uu hogaamiyaha u yahay ee dal iyo dadba leh inay yihiin caruur uu dhalay oo kale, cidda ay dadka isugu dhaw yihiin waa kuwa uu is leeyahay waxay kugu kaalmaynayaan xaqiijinta ujeedooyinkaaga, malaha Qabiil u gaar iyo tol uga sokeeya ummaada inteeda kale.

Dastuur ma qabto
=====
Hogaamiyaha ma qabto sharci isaga ka horeeyay oo uu u arko inuu carqalad ku yahay Himilooyinkiisa, dhan uu uga wareegaba waxaa samaystaa Qiil uu ku banaysto xaqiijnta Ujeedooyinkiisa. Maadaama uu ku qancay in waxaasi dan u yihiin ummaddaa uu hogaaminayo.
Waxyaalo waa hore meelo lagu xariiqay kama hor istaagaan rabitaankiisa.

Xilliayda adag ayuu go’aamo adaga qaataa.
=======
Marka ay u daran tahay ee Abaaro, Colaado, Cuduro, iyo Dhibaatooyin kale jiraan ayuu qaataa go’aamada ugu adag, waana siyaabaha lagu garto inuu Hogaamiye yahay,

Danta dalkiisa iyo dadkiisa cid kale uguma Habrado
====
Hogaamiyahu, is bedelka uu rabo inuu xaqiiijiyo, cid u ku raali geliyaa majirto oo aan ahayn danta dalkiisa iyo dadkiisa, taasaana u ah khadka cas ee aan saaxiib iyo sokeeye midna ka soo gudbi karin.

Hogaamiyhu inta badan waa da’ dhexaad ( 35 ilaa 55 jir )
=====
Hogaamiyaashii adduunkan soo maray 95 % waxay ahaayeen da’daa aan sheegay

Ugu dambayn
=====
Soddonkii sanno ee ina dhaafay Afrika waxaa ka soo baxay Madax la odhan karo waxay ahaayeen Hogaamiyaal ka aragti sarreeya Madaxweynayaasha.

Isku day hadaba in aad sheegto mid ama laba ka mid ah Hogaamiyaashii ka soo baxay Afrika, sabab ?

Mustafe Cali

Advertisement

Ku Xayeysiiso