Daawo: Aqoonyahan Yuusuf waxa aanu mari doonaa hilinkii uu jeexay Madaxwayanaha Somaliland,

Yuusuf Maxamed Cabdi Raage oo ka mid ahaa aqoonyahanka ayaa yidhi “Dhalinyaradayadanu waxaanu u baahan inaanu qaranka u adeegno oo wax badan u qabano, waxaananu mari doonaa hilinkii uu jeexay Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa nagu jirta wadaniyad caadifadaysan oo ah si aqooni ku dheehan tahay, waxaanu u hiilaynaa qarankayaga haddii madaxdu noo hiiliso. Waxaanu diyaar u nahay in baahiyaha waaweynee dalka yaala aanu wax ka qabano sida sicir bararka iyo qiime dhaca shilinka Somaliland, waxaanu tallo ku soo jeedinaynaa in Madaxtooyada lahoos keeno Xafiis isku duba rida siyaasadaha qaranku leeyahay waxaanu soo jeedinaynaa in la xoojiyo xafiiska kormeerka qorshaynta ee wasaarada qorshaynta”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso