“Markaad dib u raacdaan mashruucaan waxaa ugu badan ee laga fuliyay waa wadooyin yaryar oo ku baxay $150,000 ama $200,000. Bal ka warama haddii aan maalin jimce ah masaajidka iska taagno waxaynu dhisan karnaa afar wado.“ Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Puntland

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa eedeeyay mashruuca horumarinta degmooyinka Ee JPLG, kaasoo uu ku tilmaamay mid lagu bahdilayo sharafta ummadda Soomaaliyeed si aysan wax u qabsan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay dhaqaalaha ugu badan ee mashruuca ku baxa inay ku tamashleeyaan hay’addaha mashruucaan ku bahoobay, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay jeebkooda ku shubtaan dhaqaalaha caalamku ugu yaboohay Soomaaliya.

“Lacagta hadda la hayo waa afar milyan iyo xoogaa, lacagtaas Saddex meelood labo meel oo kamid ah waxay ku baxdaa safaradooda, ilaaladooda, gaadiidkooda iyo hotelada qaaliga ay dagaan. Wixiii intaas kasoo hara ayaa laguugu bahdilayaa,”

Halkan Guji Si aad u Dhagsayto Madaxweyne Ku XIgeenka Maamul Goboleedka Puntland

Advertisement

Ku Xayeysiiso