Qaybtii 2aad: DIBLAMAASIYADA IYO SIYAASIYIINTA SOOMALIDA: Kalmado iyo kulamo xusuus reebay:

Diblamaasiyada Iyo Siyaasiyiinta Soomalida:

Kalmado iyo kulamo xusuus reebay: Qaybtii 2aad

Qoramadeenii hore waxaynu soo ku soo qaadanaynay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee dhexmaray labadal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, waxaynu soo tibaaxnay in siyaasada arimaha dibada ee Soomaliya ay ug digo rogtay inay dhex ka ahaato loolanka quwadaha dunida (non-alignment policy) taasna uu Madaxweyne siyaad barre u xaqiijiyay 9kii Janaanyo 1976 Madaxweynihii Maraykanka.  Dawladda Kacaanka ee Soomaliya waxay qaadatay hanti wadaag, waxayna xulufo la gashay midowga soofiyeeti taas oo ay taageero ciidan iyo saanado ciidan oo faro badan kaga heshay midwoga soofiyeeti, wakhtigaas waxa la isla ogal yahay in dawladda Soomaliya ay ka ciidan iyo qalab fiicanayd waddanka itoobiya oo maraykanku taageeri jiray.

 

Siyaasiiyinta iyo diblamaasiyiinta Soomalidu iyga oo taas og ayaa kulankana qarsoodiga ah kaga qayb galeen, sida la qiyaasi karo ama ay tibaaxayaan wararka sirdoonka ee midowga soofiyeeti waxa hoteelka dagan ama jooga sirdoonkii ruushku (KGP), Sidaas darteed dawladda maraykan oo utuno siyaasadeed oo badan ka tirsanaysan Dawladda Soomaliya ayaa heshay fursada ah in taageero laga dalbadaty iyada oo og in raadadka hanta wadaagi uu sal ku leeyahay siyaasada dawladda kacaanka ah ee Soomaliya, waxa kale oo xusid mudan in wali dawladda Maraykan ay tabayso in aan si wacan looga qancin dilkii Madaxweynihii Soomaliya Muddane Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

 

Waftiga dawladda Soomaliya ee kulankan ka qayb galaya waxa la gudboonayd in   ay kulanka u isticmaalaan in ay ogaadaan mowqifka maraykan uu ka taagan yahay qadiyada xorayta Soomalida itoobiya gumaysato, taas oo kulanka si fiican ugu cad. Waxa kale oo kulanka ka muuqda in dawladda maraykanku ay u aragto in aanuu kulanka jooginba cidii u dhigimi lahayd ama taladu ka go’ayso, waayo waxa kulanka ka maqan Wasiirkii Arimaha dibada Soomaliya oo xil ahaan u dhigma Henry Kissinger, waftiga waxa hogaaminaya ku sime wasiir, taas oo markiiba uu Kissinger su’aal galiyay waxa looga jeedo “Ku sime”, taasi waxay kulankii ka dhigtay baa la odhan kartaa, marka aad u kuurgasho nuxurka doodda Kissinger, in uu su’aalo waydiiyo uun Siyaasiyiinta Soomalida si uu u ogaado halka ay taagtahay soomalidu.

 

Haddaba aynu dhugano siduu u dhacay wada sheekaysigani kulanku, faalo kooban oo xarfaha italic ah ayaa wehilasa su’aalaha ay is dhaafsanayaa Kissinger iyo Qaasim.  Waxa kulanka hadalka bilaabay Xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka, Henry Kissinger, waxa uu waydiiyay Wasiir Xuseen Cabdiqadir Qaasim su’aal la xidhiidha xilkiisa;

Kissinger: Maxaa looga jeedaa Sii hayaha Wasiirka Arimaha dibada (Acting foreign Mistier)?

Qaasim: Anigu waxa aan ahay Wasiirka Macdanta iyo biyaha, lakiin waxaan dawladda u matalaa shirar badan oo caalami ah.

Ambassador Cabdilaahi Caddow oo ahaa safiirka maraykan u fadhiya Maraykan Soomaliya wakhtigaas, xidhiidh dhawna la leh Kissinger ayaa hadalka qaatay oo faalo kooban ka bixiyay sababta uu shaqadan u qabanayo Wasiir qaasim.

Caddow: Wasiirku waa qofka (Muddane Qaasim) sida xaqiiqda ah u qabta shaqada wasiirka arimaha dibada, (De facto foreign Mistier).

Kissinger: Intee in leeg ayaad joogtay magaalada Newyork?

Qaasim: Waxaan joogay in ka badan laba usbuuc, maalmo ka dibse waxaan qorshaynayaa in aan dalkii dib ugu laabto, lakiin waa laga yaabaa in aanan toos u tagin ee aan meelo ku sii hakado.

Kissinger: waxaan u malaynayaa in aad mar hore qorshaysay in aad meelo kale sii marto.

Qaasim: waxa aan isku dayayaa in aan danta waddankayga ka shaqeeyo, sameeyana wax kasta oo dani noogu jirto.

Kissinger: idinka oo waddan iska dhexe ah (Medium-sized country) waxa aad isku dayaysaan in aad samaysaan waxbadan oo laydinku hadal hayo. (Kissinger waxa uu ka wadaa saamaynta siyaasada Soomaliya ku leedahay qaramada Midoobay marka doodaha la isagu yimaado taas oo dawladda Soomaliya ay ajande kasta kaga soo horjeedo dawladda maraykan, sidoo kale waxa uu Kissinger daba socdaa saamaysta siyaasada Soomaliya ku leedahay guud ahaan afrika gaar ahaa geeska Africa, wakhtiga kulanku dhacay Dawladda Soomaliya ayaa haysa guudoonka midowga afrika, waxay si joogta ah ugu hadashaa xorimo doonka angola oo wakhtigaas gumaysi ku hoos jirtay)

Qaasim: dhamaanteed waxa ay ku xidhan tahay kolba xaga dabayshu u dhacayso, anaga ayaa ah mar cida warka saamaynta leh samaysa ama dawladdaha kale ayaa abuura xaalad nagu qasabta in aan ka fal celino warkaas.

Kissinger: miyaanay ahayn in aad anaga na aragtaan marka aan isku dayayno in aad wararka dunida samaynayno? (waxa uu uga jeedaa in siyaasada afrika ay talo ka waydiiyaan Maraykanka ama ay tixgaliyaan ka dawladda ahaan doorkooda quwad ahaan)

Markale ayuu Ambassador Cabdilaahi Caddow soo kala dhex galay si uu qaboojiyo hadalka taagtaagmay, isaga oo danka wasiirkiisa la safan ayuu yidhi;

Caddow: idinka saxaafada caalamka ayaa si dhaw idiinla socta, sidaas ayaa warkiinu saamayn badan dunida ugu yeesha ama aad warkaba ku jaangoysaan.

Kissinger:  waa maxay xaalada xidhiidhka labadeena dal? (Kissinger waxa uu isku dayayaa inuu ogaado mawqifka siyaasada Soomaliya in waxa isbadal ahi ka jiro ama ugu yaraan halka ay taagan yihiin siyaasiinta Soomalida ee hor fadhiyaa)

Qaasim: waxaan jeclaan lahaa in aan halkaas faalo ka bixiyo, waxaan rumaysanahay inuu jiro meelo badan oo xidhiidhkeena laga wanaajin karo (Room for improvement). (Xidhiidhka uu dalbanayaa waa in maraykanku taageero qadiyada dawladda soomaliya ugu raadjoogto in itoobiye ay xornimo siiyo kuna soo celiso dawladda soomaliya dhulka Soomali galbeed ee itoobiya gumaysato maadaama uu gumaysi hoos geeyay haddana uu dhamaaday gumaysigii)

Kissinger: Taas waan kugu raacsanay.

Qaasim: haa, way jirtaa meelo badan oo isu soo dhawaansho looga samayn karo labadeena dal, markii aad soo dhawaynta qaddada ah noo samaysay waxa aad soo qaaday qodob fiican oo aan ku diirsaday, waxaan filyaa in aad aad u bartay siyaasada Qaarada afrika. 

Kissinger: haa, Wax badan ayaan ka bartay siyaasada afrika intii aan arkayay, idinku ka Soomali ahaan waxa aad tihiin qardo-jeex, hadda taas ugma jeedo in aan idin cambaareeyo, lakiin waxa aad si adag ah u ciyaartaan siyaasadaha arimaha guddaha oo aad gacan bir ah ku haysaan dadkiina. (Kissinger waxa uu uga jeedaa in aanay xornimo ka jirin gudaha soomaliya oo kaliya ay socdaa waxa dawladda kacaanka ahi doonayso, cidii ka hadashana si adag loo ciqaabayo)

Qaasim: anagu marwalba waxa aan ku hadlanaa waa wax aanu qalbiga iyo maskaxdaba ka rumaysanay, (halkaas waxa uu uga jeedaa mabda’ Hantiwadaaga yahay wax soomalidu ay doortay ee aan cidi ku khasbin, in dadk soomalidu ay taas garteen oo ay fahmeen in sida kaliya ee faqriga lagag bixi karo ay tahay hantiwadaaga, sidaas si la mid ah ayuu Madaxwyne Siyaad barre ku sheegay warqaadii uu 9kii janaayo u diray madaxweyne Gerald ford, waxa kale oo Qaasim uga jeedaa in dhulka Soomalida ee itoobiya gumaysto ayay dadka soomalida qalbiga ka rumaysan yihiin in dhulkoodii la haysto)

Kissinger: ma filayo mana rumaysni in waddamo afrika ahi ay koox koox col u yihiin, lakiin haddii aad eegto dhaqanada siyaasada dawladda Soomalida, waxa kugu adkaanaysa in aad tidhaa cid kuma xidhana Soomaliya. Anaga, baddanaa waad naga soo hor jeesataan doodaha caalamiga ah oo dhan, iyada oon la odhan Karin in aanu qaldanay mar walba, taasina maaha mid u adeegaysa danta dawladdaha meelaha dhexe ku jira oo aad ka mid tihiin Soomali ahaan (the law of averages does not work that way). (halkan waxa uu sarbeebayaa in dawladda Soomaliya ay tahay mid u adeegta danta midowga soofiyeeti, ayna mar walba ka soo horjeesato wax aan dadka iyo dawladda soomaliya dani ugu jirin)

Qaasim: marka la eego aragtidayada, Dawladda Soomaliya iyo Maraykanka waa in ay yeeshaan xidhiidh si looga fogaado dareenka isnecbaanshaha ah ee la kala qaatay. Marka la eego tabashada aad naga qabtaan iyo siyaasadaha socda, waa arimo u baahan in mid kasta sideeda loo qiimeeyo, iyada oon hab-dhaqankaygu ahayn mid cadaawada ku dhisan, haddii aad u dareentaan sidaas maanu ahaaneen kuwa idinku qaabila kulankan dareen togan, arinka kale ee aad soo qaaday ee ah in aanu cid ku xidhanay ama aanu danteeda waddno marka aanu idinka soo horjeedno doodaha caalamiga ah, anigu waxa aanu isu aragnaa in aanaan cid kale danteeda wadin.

Kissinger: Anigu kama soo horjeedno siyaasada dhexdhexaadminada ku salaysan (non-aligment), ee aad isku sifaynaysaan. Dawladdaha afrikaanku badankoodu waa dhexdhexaad marka laga reebo Angola, shan iyo toban kun oo ciidan ah ajaanib ah ayaa jooga oo anaga diyaar u ah inay na carqaladeeyaan, idinku ka Soomali ahaan mar walba waad naga soo horjeedaa doodaha caalamiga ah, waanad nagu diidaan waxa aanu wadno, marar badana waxa aad la shaqaysaan cida naga soo horjeeda.

Qaasim: taasi maaha mid xaqiiqo ah ama sawir sax ah ka bixinaysa xaaladayda, anagu waxa aanu raacnaa ficilada siyaasadiina taas oo waliba aniga saamayn nagu yeelta, waliba mid gobaleed ah, jirintaanka ummaddnimada Soomalidu waxuu idiinka baahan yahay taageero, idinkana ficiladiina siyaasiga ah markasta uma muuqto mid dhexdhexaad ah oo wax taraya dadka iyo dawladda Soomaliya.

Kissinger: bal halkaas maad tusaale iga siin?

Qaasim: Soomaliya waxay dulmane u tahay gumayste ficilo uu sameeyay wakhti hore. Dhulkii ay dadkaygu lahaayeen oo ay ilaa hadda dagan yihiin ayaa lagu wareejiyay gumayste itoobiya ah, idinku xataa intii aan soomalidu xornimo helin waxa aad taageeri jirteen waddanka itoobiya, taas oo aanu u aragno in aydaan dhexdhexaad ka ahayn arintaas, Waanu aragnay hubka aad siisaan itoobiya taas oo aanu rumaysanay inay xumayn karto xidhiidhka jaarnimo ee nagala dhexeeya itoobiya. Waxa aanu aaminsanay in xidhiidhkaas la sii wanaajiyo, lakiin hubka aad qaybinaysaan iyo dacaayaadka aad wadaan maaha kuwa caawinaya xidhiidhkayga. Waxa aanu haynaa oo aragnay war-qoraalkii wasiirkiina arimaha difaaci qoray ee ku saabsan hubkaas aad siiseen itoobiya.

Kissinger: Maxaad ku falaysaan in aad ka hub iyo ciidanba badataan itoobiya?

Qaasim: taasi maaha sax, itoobiya iyadaa naga xoojin badan dhanka milatariga, idinkuna waad ka caawisaan sidii ay ku dhismi lahaayeen, markaas uma aragno in aad ka shaqaynaysaan in xal loo helo arimaha na dhexyaala.

Kissinger:  saw maaha in aad doonaysaan in aad qaadataan dhul itoobiya ka mid?

Qaasim: Maya, waxaan raadcaynaynaa in ay xornimo helaan qayb ka mid ah oo dhulka Soomalida ah taas oo ay gumaystaan, qaybtaas oo ay dadkaygu dagaan dhulkaygana ka mid ah.

Kissinger: Ma qaybta itoobiya ah ee dadka Soomalidu dagto, goorma ayay itoobiya ka mid noqtay qaybtaasi?

Qaasim: itoobiyaanku waxay joogeen qaybaha koonfureed oo dadkayga Soomaliyeed si gaar ah ay u dagaan, waxna ay damceen 1884 inay la wareegaan, lakiin ilaa 1960kii ka hore arintu waxay ahayd mid ka duwan sidan ay hadda tahay, dhulkaas si dhab ah umay soo gali jirin ama ciidankoodu saamayn kuma lahayn dhulkaas, meelo yaryar oo xeryo ah mooyee itoobiyaan muu joogin dhulkaas soomalida ee aan kuu sheegayo. Maanta waxay soo dhoobeen awoodoodii iyaga oo doonaya inay si dhab ah u maamulaan dhulkaas reer guuraagu dago, sidaas darteed xaalada maanta iyo tii hore way kala duwan tahay.

Kissinger: sidaas darteed, ilaa aad dhulkaas heshaan waxa aad isu ahaanaysaan col oo idina ma dagaysaan saw maaha?

Qaasim: si kale haddii aan u dhigo taas, kama tanaasulayno xaq iyo xaquuqda dadkayga iyo dalkayga, waxa aanu hore ugu soo lee’anay xaalad gumaysi, waa dhulkaygii waxna dagan dadkaygii.

Kissinger: Waxa kaloo jira Soomali ku nool waqooyiga Kenya, halkaasna miyaad sheegaynaysaan?

Qaasim: Taasi waa xaqiiqo taariikheed in dadkaasi ay yihiin Soomali dadka Soomaliyeedna ay doonayeen inay la wadaagaan dawaladdnimada. Dawladda ingriisku waxay 1963kii gobalkaasi ay ugu yeedhaan gobolka waqooyi “Northern Frontier province” ka samaysay afti dadweynaha lagu waydiinayo halka ay doonayaan in xukunkoodu raaco, waxay dadkii 86% go’aansadeen inay ka mid noqdaan Dawladda Soomaliya…..

 

La soco qaybta 3aad iyo dooda oo kululaatay….

Qaybtii kowaad halkan ka eeg: http://abdiqaniege.blogspot.com/2017/03/diblamaasiyada-iyo-siyaasiyiinta.html

 

W/Q: Cabdiqani Maxamed Cige

Fmcige@gmail.com

Blog: http://abdiqaniege.blogspot.com/

Advertisement

Ku Xayeysiiso