War Deg Deg Ah : Madaafiic Lagu Garaacay Xarunta Looga Arrimiyo Somalia

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay dhanka Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho. 

Goob joogayaal ku sugan Xafaada Wardhiigleey ayaa sheegay in tiro Madaafiic lagu garaacay madaxtooyada oo xarun u ah madaxda ugu sarraysa dowladda Muqdisho.

Wararka laga helaayo Madaafiicdan ayaa sheegaya in ku dhawaad ilaa 7 madfac ay ku hoobteen madaxtooyada balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda, se wararka Qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay Qaar ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada.

Xukuumadda Xamar ayaan ilaa hadda ka hadal Madaafiicda lagu garaacay Villa Somalia.

Advertisement

Ku Xayeysiiso