Daawo: Madaxweynaha Koonfur Africa Jocob Zumo Oo Loo diiday in uu ka Qayb galo Aaska Halgamagii Axmed Kathrada iyo Sababta loogu diiday

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaan ka qeyb galin aas qaran oo loo sameeyay Ahmed Kathrada oo kamid ahaa dadkii usoo halgamay sidii looga hortagi lahaa midib kala soocii ka jiray dalka Koonfur Afrika.

Qoyska uu ka baxay Halgame Ahmed Kathrada ayaa ka codsaday Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika in uusan kasoo qeyb galin aaska loo sameenayay , Madaxaweynaha ayaana la sheegay in uu codsigaasi tixgaliyay kana baaqsaday in uu ka qeyb galo aaska Ahmed Kathrada.

Ahmed Kathrada oo xubin ka ahaa Xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC uuna hogaamiyo Madaxweyne Jocob Zuma ayaa sanadkii hore ugu baaqay Madaxweynaha in uu is casilo kadib markii Madaxweynaha kusoo baxeen fadeexado Musuq maasuq la xariira.

Former wife of the late former President Nelson Mandela, Winnie Madikizela-Mandela, listens to speeches during the memorial service for Ahmed Kathrada, at the Nelson Mandela Foundation in Johannesburg, South Africa, Tuesday, March 28, 2017. Anti-apartheid activist Ahmed Kathrada, who spent 26 years in jail – many of them alongside Nelson Mandela – for working to end South Africa’s previous white minority rule, died in Johannesburg on Tuesday morning. He was 87 years old. (AP Photo/Themba Hadebe)

Halgame Ahmed Kathrada ayaa kamid ahaa dadkii usoo halgamayay sidii dalka Koonfur Afrika looga xureyn lahaa cadaankii midab kala sooca waday, waxa uuna xabsi ku jiray 26-sano isagoo la xirnaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Men carrying a coffin of Ahmed Kathrada, during the funeral service at West Park Cemetery in Johannesburg, South Africa, Wednesday, March 29, 2017. Anti-apartheid activist Ahmed Kathrada, who spent 26 years in jail – many of them alongside Nelson Mandela – for working to end South Africa’s previous white minority rule, died in Johannesburg on Tuesday morning. He was 87 years old. (AP Photo/Themba Hadebe)

Ahmed oo xabsiga laga sii daayay sanadkii 1989-kii ayaa noqday lataliyaha madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loogu doorto dalka Koonfur Afrika ee Nelson Mandela, waxa uuna xubin muhiim ah ka ahaa Xisbiga ANC.

Xaaska uu ka geeriyooday Ahmed Kathrada ayaa iyana ah haweeney mayal adag oo inta badan ka hadasha Siyaasada ahna qof aan la ganban dhaliisha ay u jeediso Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jocob Zuma,

Aaska loo sameeyay Ahmed Kathrada ayaa ka dhacay magaalada Johanesburg , waxaana kasoo qeyb galay dadweyne badan ay ku jiraan masuuliyiin ,Madax hore iyo dad kale oo asxaab la ahaa Halgamaagan geeriyooday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso