Daawo: Gudoomiye Ciro iyo Waftigiisii Oo la Sheegay in uu Kulan la qaatay Hayad Ganacsi iyo Jamaacad ku taala Dalka Jarmalka

Berlin(THN):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee socdaalka ku maraayey qaaradda Yurub oo wakhti xaadirkan ku sugan dalka Jarmalka, ayaa kulan la qaatay madaxda hay’adda ganacsiga ee dawladda Jarmalka iyo weli ba sida oo kale madaxweynaha jaamacadda caanka ah ee SHR University.

Kulankan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, la taliyaha arrimaha dibadda ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weli ba sida oo kale uqaabilsanaha xisbiga WADDANI ee qaaradda Yurub.

Kulankan oo socday muddo saacado isla mar ahaantaana ay warfidiyeenku dibadda ka joogeen, ayaa waxa ay ka wada-hadleen siddii ay hay’adda ganacsiga ee dalka Jarmalka iyo ganacsatada Somaliland ay iskugu xidhmi lahaayeen iyada oo sida oo kale na lagu falan-qeeyey siddii jaamacadda SHR University ay iyadu na qeyb uga noqon lahayd siddii ay wixii karaankeeda ah uga geysan lahayd in ay wax tarto jaamacadaha dalka isla mar ahaantaana ay iyagu na isku xidhmaan.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa waxa uu ka xog-waramay xaaladda Somaliland isaga oo iftiimiyey in ay Somaliland tahay dal nabdoon oo suurto-gal ay tahay in laga hir-geliyo ganacsiyo waaweyn kuwaasi oo wax badan ka tari kara shaqo la’aanta ka jirta Somaliland, waxa kale oo uu iftiimiyey wadamada caalamku na ay ku soo dhiiradaan siddii ay Somaliland u maal-gashan lahaayeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso